Carbiska Barbaarta Aqoonyahanka Somaliland (Shaqo-Qaran), Guulaha Barnaamijka Shaqo-Qaran.. Qormada 3aad.

Tan iyo markii la aasaasay Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu is-bedel wayni ku yimid yididiiladii iyo noloshii dhallinyarada hanka leh. Waxaa soo noolaaday kalsoonidii shakhsiyeed ee aqoonyahanka, markii ay yaqiinsadeen in ay kartidooda iyo  aqoontooda ku meel mari karaan, dalkoodana ugu adeegi karaan iyaga oo horseed u noqon kara badhaadhidda ciida ay ku noolyihiin iyo barwaaqawga nolosha dadkooda, iyaga oo adeegsanaya aqoontooda iyo jaaniska laga siiyey hannaanka dawladnimo.
Barnaamijka Carbiska Barbaarta aqoonyahanka(Shaqo-Qaran), waxaa markii ugu horraysay hal-abuuray oo daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu tixgelin muuqata siiyaa hablaha aqoonyahanka ah iyo inamada da’doodu ka yartahag 30 jirka. Kootada hablaha loo qoondeeyey saami ah 30%. Halka inamadana loo qoondeeyey saami ah 70%.
Mudada kooban ee barnaamijkani abuurnaa waxaa taageerada Alle iyo dedaalka xukuumadda ku sugnaaday guulo dhaxal gal ah oo ay kamidyihiin.
1. Waxaa dufcaddii koowaad ee Shaqo-Qaran ka faaiidaystay wiilal iyo gabdho tiradoodu dhantahay 1349 dhallinyaro ah oo 1203 kamid ahi shaqaale joogto ah ka yihiin Maanta Wasaaradaha iyo hay’adaha madaniga ah ee dawladda. Halka 146 kamid ahi ku biireen ciidamada Qalabka-sida ee Qaranka. Kaas oo ay garbahooda saaranyihiin darajada laba xiddigle, kolkii ay soo dhammaysteen tobabarkii Ciidanka Qalabka-sida, dhammaantoodna laga dhigay taliyaal maamulaaya laamaha kale duwan ee Ciidanka, aqoontooda iyo kartidooda dhallinyaronimana uga faa’iidaynaya qarankooda iyo dadkooda ay u adeegayaan.
2. Sidoo kale dufcaddii 2aad oo ka kooban 732 waxay ku jiraan lix bilood oo Carbis Shaqo-Qaran ah. Iyagoo dhammaantood ka hawlgala wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska. Carbiskan marka ay dhammaystaana ku biiro doona laama dawladda.
3. Sidoo kale, dufcaddii 3aad oo ka kooban 330 dhallinyaro wiilal ah ayaa ku jira kulliyada carbiska ee Shaqo-Qaran ee Dararweyne. Dhammaantoodna waxay ku qaadan doonan saddex bilood oo Carbis ah. Halka ku dhowaad 200 hablo ahina  ku qaadanayaan Carbiska Jaamacadaha Lixda gobol.
Ugu danbayntii Barnaamijka Shaqo-Qaran saddexdii sano ee uu jiray waxa uu gaadhay guulo la taaban karo. Carbiska Shaqo-Qaran waxa uu yeeshay xarun tobabar oo u gaar ah. Waxa uu yeeshay hoy qaadi kara in kabadan 500 oo qof. Waxaa leeyahay hool weyn oo qaadi kara in ka badan 1500 oo qof. Carbiska Shaqo-Qaran waxaa leeyahay xarun caafimaad, baabuur u adeega iyo gaadiidka biyaha qaada oo dhammaystiran. Dhammaan aasaasiyaadka noloshu waa mid sarraysa inta lagu jiro Carbiska Shaqo-Qaran.
Sadam Osman Kaabash
Medical Lab Technologist
Freelance Jornalist.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker