Tartanka Cusub Ee European Super League Oo Si Rasmi Ah Loo Aasaasay

Waxa si Rasmi loo bilaabay tartanka European Super League kaas oo uu wararkiisu soo If baxay shalay oo Axad ahayd muddo saacado ahna si weyn loo hadal hayay.

Haatan waxa si Rasmi ah loo shaaciyay bilaabashada tartanka European Super League kaas oo ay ku midoobeen kooxaha waaweyn ee qaarada yurub si loo bilaabo tartan kale oo xiiso u leh kubada cagta yurub.

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa noqday madaxweynaha ugu horeeya ee tartanka European Super League kaas oo ay ka qayb gali doonaan kooxaha waaweyn ee reer yurub.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, AC Milan, Arsenal, Chelsea, Inter, Juventus, Liverpool, Manchester City, Manchester United & Tottenham ayaa ah kooxaha Aas-Aasay tartanka European Super League .

Sidoo kale 3 kooxood oo cusub ayaa la sheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan tartanka kaas oo dhawaan la bilaabi doono xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker