Tababaraha Kooxda Tottenham Jose Mourinho Oo Shaqadii kooxdaas Laga Caydhiyey

Kooxda Kubadda Cagta Tottenham ee horyaalka Premier League ayaa shaqada ka eryey tababare Jose Mourinho, ayada oo kooxda ay qarka u saaran tahay inaanay  usoo bixin koobka horyaallada Yurub ee xilli cayaareedka dambe.

Mourinho oo 58 jir ah ayaa macallinka Tottenham noqday bishii November 2019, isaga oo beddelay macallinkii muddada dheeraa ee Mauricio Pochettino, hase yeeshee waxaa la eryey maanta, ayada oo kooxda ay kaalinta 7-aad kaga jirto horyaalka, kana soo hartay koobka horyaallada Yuurb.

Eriska  Mourinho ayaa timid 6 maalmood kahor inta aanay  kooxda ciyaarin cayaarta kama dambeysa ee koobka Carabao Cup oo ay kaga horjeedo naadiga Manhester City, 25-ka bishan

Tottenham ayaa sheegtay in labada kaaliye tababare ee kala ah Ryan Mason iyo Chris Powell ay kooxda laylin doonaan illaa dhammaadka xilli cayaareedkan, markaasi oo kadib macallin cusub la magacaabi doono.

Tottenham ayaa la rumeysan yahay inay beegsaneyso macallinka kooxda RB Leipzig ee dalka Jarmalka Julian Naglessman oo 33 jir ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker