“Xeerkan Maaha Mid Si Wada Jir Ah Loo Soo Diyaariyey, Laakiin Xildhibaannada Kulmiye Ayaa Diyaariyey” Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa lagu eedeeyey in ay dabada ka riixayaan furista Ururrada Siyaasadda Somaliland, kaas oo xeerkooda dooddiisu ka socoto Golaha Wakiillada.
Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ah Mudane Golaha Wakiillada ahna La Taliyaha dhinaca Sharciga ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Mudaneyaasha soo diyaariyey wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ay yihiin kuwo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Guddoomiyaha Golahaasi si gaar ah ugu xil saartay, taasoo uu xusay in ay muujinayso tuhun ah in Kulmiye dan gaar ah ka leeyahay Furista Ururrada Siyaasadda.
Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah Labada Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada kana kala tirsan Waddani iyo Kulmiye oo   dood kaga hadlay Xeerkaas ku saabsan, ayaa labadooduba ka hadlay xeerkan iyo baahiyaha keenay.
Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayey Xeerkan furista Ururrada Siyaasadda, ayaa waxa uu yidhi “Wakhtiga Xisbiyada uga hadhsan dhicitaanka Liisankoodu, waa sannad iyo Sideed Bilood, waxay ila tahay halka aynu imika Xeerka ku keenay in marka laga baxdo doorashadan bisha dambe dhacaysa, iyada oo sannad iyo lix bilood ku hadhsan tahay in Xeerkan daraasad balaadhan lagu sameeyo, lana eego meelaha u baahan kaabista iyo wax ka beddelka. Imika wax ka beddelkan illaa shan xubnood oo Kulmiye ah, ayuu u xil saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, shanta saxeexayna waa Xisbiga Kulmiye. Xisbiga Kulmiye Xildhibaannadii kaga jiray Golaha Wakiillada, ayaa soo diyaariyey Xeerkan Furista Ururrada Siyaasadda. Xeer si wada jir ah loo soo diyaariyey oo ay Xildhibaannadu ka midaysan yihiin maaha. Markaa tuhun ayaa imanaya, ujeeddada imika loo saaray qolada Kulmiye ee iyagu kaabista iyo wax ka beddelka ku keeneen. Markaa bulshadiina lagama qayb gelin Xeerkan in ay wax ku darsadaan, xeerkan meelihii u baahnaa kaabista lagu samayn, meelaha qaarkood oo aad moodayso in Xisbiyada imika jira qaarkood lagu beegsanayo-na waa lagu sameeyey”.
Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ka hadlayey tuhunka uu ka dhawaajiyey Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in aanay jirin wax dan ah ka lahayn arrintaasi, balse ay doonayaan in ay buuxiyaan bannaan sharci oo iman karta marka wakhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira, waxaanu yidhi: “Golaha Wakiilladu Abtirsiin malaha, gole ayaa nala yidhaahdaa, arrintana maaha arrin Xisbiyo ee waa arrin Gole, waxaana buuxinaynaa bannaan sharci”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker