Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda, Doonista KULMIYE Iyo Qorshaha Mucaraadka, Qodobaddan Ka Ogoow.

■Waxa la ansixiyey wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee 14/2021, maanta oo sabti ah 10.04.2021.
■ Waxa Ansixiyey Xildhibaanno u badan kuwa Kulmiye, oo qaarkood aanay fadhiyada iman jirin, balse maanta xilli hore isa soo xaadiriyey.
■ Mudaneyaasha taageera Xisbiga Waddani, oo ka qayb galay Doodda Xeerkan, kamay qayb gelin codayntiisii, oo bannaanka ayey ka joogeen, qorshahoodu wuxuu ahaa Kooramku yaanu buuxsamin, laakiin in laga shaqeeyey in Xildhibaanno badan yimaadaan oo taageersan Xeerkan ayey u muuqatay.
■ Golaha Wakiilladu, isla maanta wuxuu ka shaqaynayey in ay u gudbiyaan Xeerkan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan.
■ Haddii Golaha Guurtidu wax ka beddelaan Xeerkan oo ay ansixiyaan wax ka beddelka ay ku sameeyaan, waxa dib loogu soo celinayaa Golaha Wakiillada oo iyagu haddii ay ku arkaan qodobadii wax laga beddelay la saari doona, ansixinta doona, ka dibna Madaxweynaha ayaa loo gudbin doonaa.
■Inta aanay Fasax gelin ayaa la filayaa in Xeerkan ka dhammaado Goleyaasha, oo maalmaha soo socda fasax geli doona
■ Marka ee Madaxweynaha gaadho Xeerkan 21 maalmood ayuu u haysaa inuu ku ansixiyo.
■ Haddii uu Madaxweynuhu saxeexo, sidaas ayuu dhaqan gal ku noqonayaa, waana in la soo dhismo Guddida diiwaan gelinta ururrada Siyaasadda, doorashada Ururrada la qabto lix bilood ka hor wakhtiga Liisaankoodu dhacayo, oo ku beegmaysa badhtamaha Sannadka 2022-ka.
■ 31. 06.2021, waxa la filayaa in ay Aqalka Wakiillada yimaadaan Mudenayaal cusub oo shacabku soo doorteen, oo ka soo kala baxay Kulmiye, Waddani iyo UCID.
■ Waxay u badan tahay in Mucaaradku Xildhibaannadoodu isbahaysan doonaa, sida ay doonaan ha noqdaane, inkasta oo la saadaalinayo in ay aqlabiyadda heli doonaan.
■ Xeerkan waxa uu noqon doonaa, qodobka ugu horreeya ee midayn doona Xildhibaannada labada Xisbi mucaarad. Tani waxay keeni doontaa tallaabada ugu horreysaa in ay noqon doonto in ay hantiyaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada.
■ Kulmiye, kaadhka uu haysan doono ee uu ku handadi doono labada Xisbi Mucaarad, wuxuu noqon doonaa Xeerkan.
■ Mucaaradkuna qodobka ay dagaalka ka xigaan ee ay ka shaqayn doonaa in aanu meel marin waa Xeerka furista Ururrada Siyaasadda, iyada oo la filayo in ay iyagu wax ka beddel ku samayn karaan Xeerkan.
■ Haddii Mucaaradka la wareegaan Aqlabiyadda Mucaaradka qodobka wax ka beddeli karaan, waa ka sheegaya in marka muddo xilkeeda Xisbiyadu dhammaado in aan loo kordhin karin, kaas oo ay ku beddeli karaan qodob odhanaya Xisbiyadu way sii shaqaynayaan illaa la qabanayo doorasho Gole Deegaan, halkaas muddo kordhin Xisbiyada ah loo sameeyo.
■ Haddii Mucaaradku helaan Aqlabiyada Mucaaradku waxa uu Kulmiye u arkayaan in ay wiiqmayso awood uu Golahaas ku lahaa dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey, Xeerkan waa midka ay u arkaan in ay dani ugu jiro in la furo Ururrada siyaasadda si ay u helaan Xildhibaanno barakacayaal ah oo Xisbiyadoodu Saaxadda ka baxeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker