Golaha Wakiillada JSL oo Ansixiyay Wax ka Bedel lagu Sameeyey Xeerkan Ururrada iyo Asxaabta

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod ku ansixiyey wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee 14/2021-ka, kaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen Mudaneyaasha Golahaasi.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa qodob, qodob u ansixiyey Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka furista Ururrada Siyaasadda, kaas oo ogolaanaya in la furo ururro Siyaasaddeed marka uu walhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira oo Liisankoodu dhacayo 2022-ka.

40 Mudane ayaa ogolaaday in la ansixiyo Xeerkan, waxa diiday 3 Mudane , Xeerkan, waxa oo uu ogolaanayaa un la sameeyo doorasho toos ah oo lagu dooranayo Ururro siyaasaddeed oo lagu dooranayo Barnaamijyadooda siyaasaddeed, iyada oo saddex urur ee ugu sarreeya noqon doonaan saddexda Xisbi Qaran ee Dalka.

Fadhigan, waxa dibedda ka joogay oo aan Hoolka soo gelin qaar ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Waddani taageersan ee Golahaasi ku jira, kuwaas oo barxadda hore ee Hoolka codayntu ka socotay fadhiyey.

Mudaneyaashan, ayaa u muuqday kuwo ka biyo diidsan ansixinta Xeerka furista Ururrada siyaasadda, oo qaarkood sheegeen in Xildhibaannada Kulmiye dano gaar ah ka leeyihiin, isla markaana guddoomiyaha Golahaasi u xil saareen Mudaneyaal Kulmiye oo keliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker