Dowlada Soomaaliya oo Qoraal xasaasi ah u dirtay Golaha Amaanka

Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa qoraal jawaab u ah hadal ay golaha amaanka ka sheegtay March 31 u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

Qoraalka dowlada u dirtay Linda Thomas-Greenfield ayaa lagu sheegay in Soomaaliya xiligan wajaheyso caqabado ka dhashay khilaafka doorashada, waxaana qoraalka lagu xusay in rajo laga qabo in caqabadaha laga gudbo iyada oo wadahadal loo marayo.

Wasaarada arimaha Dibadda qoraalka ay u dirtay golaha amaanka ayaa lagu sheegay Doorashadu ay tahay arrin Soomaalida dhex taalla lana ixtiriaamo madax banaaninada Qaranimada Soomaaliya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalkan ugu sheegtay golaha amaanka in uu taageero madax-bannaanida Soomaaliya, wadajirkeeda, lana ilaaliyo shuruucda caalamiga ah ee kahor imaanaya fara gelinta shisheeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker