Boqortooyada Ingiriiska oo Baroordiiq Qaran u Sameynaya Amiir Philip

Dadweynaha Ingiriiska ayaa u baroordiiqaya Amiir Philip oo ahaa seyga boqorodda Britain Queen Elizabeth, kaas oo jimcihii shalay ahaa geeriyooday, iyadoo dadka loogu baaqay inay guryahooda ku baroordiiqaan oo aysan iskugu soo bixin qasriga boqortooyada.

Waxaa dadweynaha baroordiiqaya loogu baaqay inay ilaaliyaan tilmaaha kala fogaashaha si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid19.

Amiir Philip, oo ahaa 99-jir ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa shakhsi gacan ka gaystay horumarinta iyo hoggaaminta qoyska boqortooyda Ingiriiska, wuxuuna hormuud u ahaa xallinta caqabado dhowr ah oo la soo gudboonaaya aqalka boqortooyda oo loo yaqaan Buckingham Palace 70-kii sano ee la soo dhaafay.

“Runtii waan ka xumahay geeridan murugada leh, tacsina waan u diraynaa qoyska boqortooyda” ayay tiri Victoria Hasler oo degan London oo la hadleysay wakaalada wararka ee Reuters.

Dadka qaar waxay ubaxyo dhigayeen darbiga qadiimiga ah ee Windsor Castle, inkastoo dowladda Ingiriisku codsatay inaan la imaan aqalka boqortooyda, hadana ma jirin cid amarkaas aqbashay.

“Iyadoo la tixgalinayo bad-qabka dadweynaha, lana raacayo tilmaamaha dowladda waxaan bulshada ka codsaneynaa inaysan dad badan isku imaan. Dadka doonaya inay muujiyaan dareenka tacsida waxaa laga codsanayaa inaysan imaan aqalka boqortooyda” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xaafiiska warfaafinta ee boqoradda Ingiriiska.

Calanka Ingiriiska ayaa hoos loo dhigay, si maamuuso Amiir Philip, iyadoo dowladda Ingiriisku ay sheegtay inay baroorqiiq qaran u sameyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker