Xadhiga xildhibaanaddu waxa qaranka ku tahay fadeexad. W/q: Barkhad-Ladiif Cumar

Xadhiga loo gaysanayo xildhibaanadda waxay ceeb iyo fadeexad ku tahay marna qaranka marna madaxweynaha, sababtuna waxay tahay;

Xildhibaanna loo soo doortay sida madaxweynaha loo soo doortay, waxay huwan yihiin sharaftii, karaamadii iyo xasaanadii shacabkii soo doortay, xildhibaano aan fal dambiyeed gacanta kula jirin in si fudud la iskaga xidhaa waa dambi, waxaana ku ceebaysan qaranka, oo caalamku u arkayaan meel aan dastuurkii ay dhigteen lagu ixtiraameen oo sharcigoodu yahay la jiifiyaana banaan la joojiyaana, sidaas ay ku doonayaan inay beesha caalamka ka mid noqdaan.

Dal ictiraaf raadinaya oo mar walba doonaya in sawir qurux badan laga arko inuu u shaqeeyo sidii kalitaliyeyaasha waa laga qurux badan yahay, caalamku waxay is odhanayaan kuwan oo ictiraaf helaa caynkee u dhaqmayaan.

Ictiraafku wuxuu fududeeya in dalalka caalamka wax isku darsadaan, bal ka waran hadii nin tukaan masuul ka ah uu ku yidhaahdo aynu wax isku darsano adiguna aad arkayso sida uu shaqaalihiisa iyo dadka ku hoos nool ula dhaqmayo oo ah si dadnimada aan ku fiicnayn wax ma ku darsan lahayd waa mayo, walaalo raali noqo ayaad ku odhanaysaa.

Qodobka labaad waxa ceeb ku tahay xadhigan badanaya madaxweynaha, waayo wuxuu ballan qaaday inuu sharcigu sareeyo, dastuurkeenuna ma dhigayo qof xasaanad leh in la iska xidho, qof aan dambi gacanta kula jirin in la iska xidho, in qofka la xidhayo aan waaran loo soo jarin, waxaasi oo dhan waxay ka hor imanaysa balanqaadkii uu sheegay madaxweynuhu inuu sharciga ixtiraamayo iyo inuu sharcigu cid walba ka sareeyo.

Xildhibaanada la xidhay wax aan hadal ahayn oo ay samayn karayeen ma jirto, way hadlayeen, way dhaliilayeen, wax intaas ka badan oo ay sameeyeen ama samayn karayaan ma jirto, intaas waxay ahayd in xamilkeeda la yeesho, oo aan hadal lagu qoonsan.

Wax ka nasiib daran ma jirto qofkii qaranka ka masuulka ahaa inuu qarankii uu ilaalin lahaa sharafteeda uu isagu dhaawaco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker