Sacuudiga Oo War Ka Soo Saaray Dhalashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Maxkamadda sare ee waddanka Sacuudiga, ayaa ku baaqday in lagu dadaalo raadinta Bisha barakaysan ee Ramadaan Galabnimada Axadda, oo ku beegan 29-ka Bisha Shacbaan.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee Sacuudiga, ayaa ku booriyay dhammaan Muslimiinta ku sugan magaalada Makka, in ay Galabnimada Axadda raadiyaan bisha Ramadaan, islamarkaana qofkii arka uu la soo xidhiidho xarunta ugu dhow.

“Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudigu, waxay ku boorrinaysa Muslimiinta ku dhaqan magaalada Makka iyo nawaaxigeeda in ay ku dadaalan Raadinta Bisha Ramadaan Galabnimada Axadda ee 29-ka Shacbaan” ayaa lagu yidhi Qoraalka.

Maxkamaddu waxay bayaamisay, in haddii Bisha la arki waayo Galabnimada Axadda ah oo ku abbaaran 29-ka Shacbaan, haddana la raadin doono Galabnimada Isniinta ah oo ku beegan 30-ka Shacbaan.

 

“ Haddii Bisha Ramadaan la arki waayo Galabnimada AXadda ah ee 29-ka Shacbaan, waa in haddana la raadiyaa Galabnimada Isniinta ah oo bishu ku buuxdo 30-ka Shacbaan) ayuu sii raaciyay Qoraalku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker