Wasiirka Gaadiidka JSL Iyo Xoghayaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Cudur Daartay Dood Ay Ku Ballansanaayeen

Dood culus oo aad loo sugayay oo la iskaga hor keenayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horurimarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa la baajiyay.

Dooddan oo uu martigalinayay Telefishanka   Horn Cable  ayaa waxa ay labadan Masuul ee Doodu ka dhaxaysay qoraal wada jir ah xalay soo gaadhsiiyeen Maamulka Tv-ga iyagoo ka cudur daartay qabsoomidda doodaasi, kuna sababeeyay in si khaldan loo turjuntay ujeedada dooda ay isku waajahayeen labadan masuul.

Qoraalka ay labadan masuul u direen Tv-ga iyo shacabka dooda sugayay ayaa u dhignaa sidan “Anagoo idiinka mahadnaqayna shaqada iyo adeegga warbaahineed ee aad umadda u haysaan, islamarkaana aad isku taxalujisaan inaad bulshada ka haqabtirtaan doodaha iyo wararka dhexdhexaadka ah ee Bulshaddu u baahan tahay”.

Waxa kale oo qoraalkooda ka mid ahaa “Waxaanu halkan shacbiga Somaliland kula wadaagaynaa in doodii la mudeeyay ee naga dhexaysay aanu si rasmi ah u joojinay anaga oo labadaya dhinacba ka raali ah. Kadib markii aanu garawsanay in doodii loo fahmay colaad shaqsiyadeed oo naga dhexaysa, iyada oo aanay habayaraatee jirin waxa colaad ah, ee ay tahay kala duwanaanshiyaha fikir ama afkaarta siyaasiga ah oo keli ah”.

Sikastaba ha noqotee, dooddan ayay shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa la socda hanaanka iyo gadgadoonka siyaasaddu sugayeen, iyadoo faallooyin badan iyo odoros badan laga sii bixiyay sawirka ay yeelan doonto. Halka dad badani saluugsanaayeen marka horeba qaabka ay dooddani ku timid oo ay u arkayeen in ay ahayd mid ku salaysan ficil iyo shakhsi weerar. Dooddan ayaa sidaa ku baaqanaysa wakhti la sugayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker