Maxamuud xaashi wasiirbaa laga dhigay si loo tijaabiyo xilkasnimadiisa iyo in lagu aamini karo xoolaha umada waa ku fashilmay

Maxamed kaahin waa halgamaa dalka u soo halgamay wakhtigiisii dhalyaronimana inaga inoo hibeeyey tiisa uunbayna noqone sidoo kale waligii wax ma xadin tuugnimadana ma dhiiri galiyo ka ula imaadana wuu eryaa dalkoo oo dhisma iyo danta guud oo la ilaaliyana waa muhiimadiisa koowad amba aragtidiisa koowad cid eed ka sheeganaysa oo u tuhmeysa in xoolo umadeed ku tageen ma jirto ilaa imika oo uu wasiir yahay. Hana wuu leeyahoo hogaaminbuu rabaa intay doonto haku qaadatee tabtuu doonana ha u maree.

Maxamuud xaashi wasiirbaa laga dhigay si loo tijaabiyo xilkasnimadiisa iyo in lagu aamini karo xoolaha umada waa ku fashilmay oo judhiiba boobka dantii guud buu bilaabey xilka intuu hayeyna boobkasu ku dhameystay, dalka intii maxamed kaahin u halgamey isagu mooji meel uu joogey bari danbe uunbaynu baraney. Somalidu waxay tidhaahdaa ninkey adhiga raacistiisa kala quustaanbay geela u diraan, maanta in maxamed kaahin laga horeysiiyo nin hankiisuba yahay inuu ka ganacsado dareenka dadka dalkana boobo waa ayaan daro weyn iyo garasho liidata.

Waxay ku odhanayaan maxamed kaahin han male oo haye markaad tidhaa ayey ku odhanayaan hadana maxamuudbaa han leh oo na shaqaaleysiinaya, ganacsiyo noo abuuraya, noo guurinaya, na dhoofinaya IWM.. markasad hadana odhanaysaa war dalka inuu dhiso miyeydan rabin markasay ku odhanyaan dalka anaga ka horeyna yaab badanaa!!!.

Team xashiyow maxamed kaahin ina ma xusuusateen intaad xilalka dalka hayseen? Maantase maxa keenay inaad isaga uun iska eegtaan?

 

Adam Saalax

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 2 people

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker