Meydadka Labo Caruur ah Oo La Helay iyaga Oo Beerka Iyo Kalyaha Lagala Baxay

Wararka aan ka helnay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  sheegaya  in  maanta  duleedka magaaladaasi lagu arkay meydadka labo caruur ah oo walaalo ah oo la dilay kadibna lagala baxay beerka iyo kalyaha.

Labadan caruur ee meydkooda la helay ayaa la sheegay in uu dhalay Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii sagaal oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Cabdullaahi, waxaana dhacdadan argagax badan ka abuurtay magaalada Baydhabo.

Sida aan wararka ku helnay labadan caruur ayaa shalay la waayay xili loo diray dugsi quraan ay dhiganayeen, waxaana saaka duleedka magaalada Baydhabo lagu arkay caruurtan oo la dilay sidoo kale lagala baxay kalyaha iyo beerka.

Ciidamada booliiska Baydhabo ayaa durba bilaabay baaritaano ay ku ogaanayaan falkan argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana arintan cabsi ka abuurtay magaalada Baydhabo oo horey uga dhaceen dhacdooyin kale oo argagax leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker