Madaxweynaha Dalka Masar Oo Fariin Culus U Diray Dalka Itoobiya

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in khiyaar kasta uu u furan yahay ka dib markii ay fashilmeen wada hadaladii u dhexeeyay ka socday dalka Congo oo ku saabsanaa khilaafka ka dhashay biyo xidheenka webiga Nile ee Itoobiya dhistay.

“Waxaan walaalaha Itoobiya u sheegayaa in aanay  na gaadhsiin in hoos u dhacaan xaddiga biyaha webiga ee Masar heli jirtay haddii kale waxaa noo furan khiyaar walba,” ayuu yidhi madaxweyne el-Sisi.

Wufuud ka kala socota dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa shir ku yeeshay caasimadda dalka Congo ee Kinshasa, iyadoo dhex dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ku guuldareysteen in ay is faham dhex dhigaan dhinacyada is ku haya biyo xireenka webiga Nile.

Dhinaca kale, wasiirka waraabka dalka Suudaan ayaa soo saaray digniin Arbaca, isagoo sheegay in dalkiisa uu ka taagan yahay mowqif adag saamiga biyaha webiga Nile, waxaana uu xusay in loo baahan yahay dhinacyo kale soo farageliyo arrintan.

Yasser Cabaas, ayaa sheegay in Suudaan ay heysato khiyaaraad ay kamid yihiin in qadiyadda la geeyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay haddii Itoobiya dib u bilowdo buuxinta biyo xireenka.

Itoobiya ayaa bilwoday dhismaha biyo xireenka weyn 2011 waxaana uu ahaa xudunka khilaafka dalalkan tan iyo waagaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker