Dad Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Gobalka South Carolina ee dalka Maraykanka.

Booliska Maraykanka ayaa sheegay in shan qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ay ku dhinteen toogasho ka dhacday gobalka South Carolina ee dalka Maraykanka.

Warka soo baxay Booliska ayaa intaas ku daray in qof kale oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka loo qaaday isbitaalka.

Dadka dhintay waxaa ugu weyn qof 70 jir ah waxaana u yar cunug jira 5 sano sida lag soo xigtay laamaha denbi baarsita ee Mareykanka.

Howlgal ay Booliska sameeyeen ayay mar danbe ku soo qabteen qof lagu tuhunsan yahay inuu weerarka geystay oo ku dhuumanayay guri u dhaw goobta ay wax ka dhaceen.

Lama oga sababta ka dambeysa toogashadan oo nooceeda ay sanadahan dambe ku soo badanayeen gudaha Maraykanka, waxaana socda baaritaano Boolisku wadaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker