Warbixinta Maalinlaha Ah Ee Xogta Cudurka Covid-19 Ee Somaliland

Wasaaradda caafimaadka  Somaliland ayaa   shaacisay 39 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baadhay 291 qof, halka tirada dhimashada guud ay gaadhayso 188 qof.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker