Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Jaaliyadda Soomaliyeed Ee Brussels

Brussels(OWN)- Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Jaaliydda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka kula kulmay magaalada Brussels ayaa uga warbixiyay Xaaladda dalka iyo horumarada lagu tallaabsaday.

 

Wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Dowladdiisa dadaal ay ku bixisay saddex arrimood oo kala ah Ammaanada,Cadaaladda iyo Siyaasad hufan taasi oo ugu danbeyn keentay in Midowga Yurub iyo Bankiga Aduunka kalsooni kaga helaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Beesha caalamka ku qanceen arrimaha daahfurnaanta ah ee ka jira dalka,islamarkaana ay balan qaadeen iney kordhinayaan joogteynayaana taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

 

Wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka iney u soo jeestaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo iney ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa ummad mid ah.

 

Ugu danbeyntii,madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya uga qeyb galay magaalada Brussels kaasi oo muhiimadiisu ahayd sidii Beesha caalamka u kordhin lahayd kaalmada ay siiso Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker