Puntland Oo Qorshaynaysa Weerar Lagu qaado Degaan-xeebeedka Waqderiya Ee Gobolka Sanaag

Badhan(OWN) Tan iyo  dhammaadkii bishii hore oo degaan-xeebeedka woqooyiga gobolka Sanaag ay kudirireen ciidan beeleedyo hubaysan oo kasoo kala jeeda beelo degaannadaas deris ka ah halkaasna khasaare nafeed iyo hantiyeedba kusoo kala gaadhey, waxa soo ifbaxayey dareenno maammulka Puntland lugta kula jiro oo qorshaysan ujeeddadooduna tahay sidii dagaal-beeleedyada halkaas kajira dabka loogusii shidi lahaa, taasoo loo arki karo damac maammul inuu meesha soo galay maaddaama degaankaasi yahay degaan macdan fara badani ku duugan tahay, waxana dhawrkii cisho ee lasoo dhaafay  magaalada Laasqoray iskaga daba tegey saraakiil waddada buurta Geeldoora ka dhaadhacay kuwaasoo inkastoo ay hayb ahaan isku beel yihiin haddana isugu jira Taliyaha Ciidammada Puntland ee deggan magaalada Badhan C/laahi Cumar Cashuur iyo saraakiil   ay kamid yihiin Gurey Cismaan  iyo Xuseen Faarax (Xuseen-dheere) kuwaasoo xilligan Laasqoray kusugan.

Waxa sidoo kale wararka degaannada buuraleyda ilaa xeebta Geelweyte laga helayaa sheegayaan inay jiraan ciidan-beeleed tiro badan oo maaddaama Alshabaab oo joogta awgeed aan wax gaadiid dagaal ahi mari karin buurta Geeldoora halkaas iyagu lug kaga daadegey kuwaasoo intooda badani gaadheen Geelweyte oo ah fadhiisinka ciidan-beeleedka mid kamid ah beelihii halkaas dhawr jeer hore dirirtu ugu dhexmartay.

Waxa kale oo wararka laga helayo magaala-xeebeedda Laasqoray sheegayaan in gaadiid tikniko ah oo qalabaysan iyo ciidammo Puntland katirsan kanasoo baxay Boosaaso ay dhinaca xeebta soomareen oo iyaguna xilligan kusugan yihiin degaanka magaala-xeebeedda Laasqoray, gaadiidkan iyo ciidammada Puntland katirsan oo lasheegayo inay yihiin kuwo uga amar qaadanaya saaakiishii hore halkaas ugu sugnayd iyo saraakiil kusoo kordhayba fulinta weerar degdeg ah oo ciidan-beeleedka kale ee Geelweyte kusugan iyo ciidammadan Puntland ay kuqaadayaan ciidan-beeleed hubaysan oo kusugan degaan-xeebeedka Waqderiya.

¹

Sikastaba ha ahaatee degaankaas oo dhawr jeer oo hore ay kudirireen ciidan-beeleedyo hibaysan oo deris-wadaag ah una muuqanayey in beelahaasi ay kadhexayso colaad dhul isku hayaan ayaa xilligan gacan-gelinta maammulka Puntland ee meesha soogalay ka dhigi karaa dagaal loo arki karo weji kii hore kaduwan islamarkaasna sababi kara khilaaf hor leh oo Somaliland oo dhulkan katalisa iyo Puntland soo kala dhexgala Somaliland oo dhulkaas katalisa iyo Puntland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker