Doorashada Somaliland: Ha Noqon Doqon Qabiiliste ah ee Noqo Muwaadin Xalaal ah

Marka si daacad ah ama xaqiiqda ku salyasan uga hadalo Somalilandna maata, waxaan shaki ku jirin in bulshada reer Somaliland daacad u yihiin qabiilkooda ama aan yidhahado, ay daacada u yihiin siyaasada qabiilaysan (political tribalism), taasi oo ay ka doorbidayaan muwaadinimdda. Waa xaqiiqo ina hortaal maanta in Xisbiyaddii ay u dhalan-rogmeen qaar ay maamulaan madaxdhaqameedo, horjoogayaashi beelaha (madaxdhaqameedo) iyagu ay yihiin kuwa si dadban uga taliya arrimaha doorashada isla iyaguna yihiin kuwa kala reebaa musharxaiintii u tartamaayey golayaasha dawliga ah (Parliament and Local government). Madaxdhaqameedadii ayaa si qabiilaysan iyagu u maamulaya xisbiyaddii.
Greeks waxaa lagu sheegaa in ay ahayeen dadkii ugu horeyey ee hirgelyey Dimqradiyada (democracy), ninka lagu sheego inuu helay Dimqradiyada waxaa lagu magacaabi jirey Cleisthenes, waxaa kale oo wakhtiga jirey niman badan oo ka hadli jirey cilmiga Falsafada (Philosophy) si gaar ahna uga hadli jirey cilmiga bushada (sociology) oo wakhtiga ay caan ku ahyeen dadka reer Greek, wakhtiga Dimqradiyada laga hirgelineyey magalaada Athens oo marka magaalo madax u ahayd dadka Greek-ga,
waxaa ay culimaddii cilmiga bushadu ee wakhtiga degana magaalada Athens ayaa waxay u kala saareen bulshada reer Athens saddex: kuwii doqomada aha (the idiots), kuwii qabliisteyaasha ahaa (the tribalism) iyo kuwii muwaadininta ahaa (the citizen)
Kuwa doqominta ahaa (the idiots), kuwani ma aha qaar maskaxada wax ka qaba ama waali ay ku jirto, laakin waa qaar iyaga oo keliya wax isla jecel ama isla doonaya (self centred), waxay had iyo jeer ku hawlan yihiin sidii iyagau wax kasta uga faa’iidaysan lahayeen, dantooda uga fushanan lahayeen, wax kasta waxay ka horumarinyaan dantooda gaarka ah. Kuwaasi ma laha wax karaamo ah, wax faa’iidahana uma laha bushada.

Kuwa qabiilisteyaasha ah (the tribalism) waa kuwa uu fikirkoodu uusan dhaafsiisnayn Beeshooda ama Qabiilookda, waxaa Diin u ah Qabiilooda, Qabiilnimaduna waa wax ay caabudaan, wax kasta waxay ku eegan ama ku fiiriyaan waa indhaha qabiilka, (waa kuwii uu Ibrahim Gadhle ku sheegay: Maskaxaddadu yay noqon maqal lagula leeyahay, yaan toban muftaax iyo lagu furan masaabiir), had iyo jeer waxay shaki iyo baqo ka qabaan qabiilooyinka kale. Kuwaasi waxay had iyo jeer ku jiraan dacaayad, cagjuglayn, iyo wax ka sheegid beel kale ama Qabiil kale. Waa kuwo had iyo jeer col u jooga ah.

Kuwa saddexaad waa Muwaadanka (the citizen) waxaa uu Greeks hore ku sheegay in ay yihiin muwaadanka leh xirfada, cilmiga ee bulshada kula nool ixtiraam (respectable public lives), waa qofka had jeer qiimeya hantida guud, si fiican u og xuquuqda lagu leeyahay iyo masuuliyada ka saran bulshada, ama had iyo jeer u taagan caawimada bulshada. Waa Greeks hore (Ancient Greeks)
Somaliland waxay maanta u egtahay in ay marayso taariikhdii 300 sanno ka hore Nebi Ciise, waxaa hubaal ah in abaabulka doorashada ee Somaliland ka socota maanta ay u egtahay tii Athens ee wakhtigga. Waxaa maanta Somaliland ka jira doqonimo la casriyey oo ah inuu kii doqonka ahaa iska dhigo inuu yahay mid bushada wax u qabanaya, laakin xaqiiqadu tahay inuu ka xoolaysto, kuwa u dhow ka xooleeyo, iyo musqmaasuq iyo wax-isdaba-marin.
Waxaa maanta Somaliland ka jiraa waa qabyaalad la casriyey, waayo xisbigu waxaa u taliya madaxdhaqameedka oo ay u dabo fadhiistaan qofkii xisbigga laga sharaxayey, haddii aysan sidaa yeeli xisbiggii reerku cod siinmahayo xisbiggii, sida awgeed, si xisbigu u soo baxo waa inuu madaxdhaqameedka u daba-fadhiista xisbiga si uu u helo musharaxii u tartami lahaa xisbigga. Ninka madaxdhaqameedkuna wuxuu soo xulayaa mid aan bulshada ku lahayn sumcad wanaagsan, waayo, madaxdhaqameedka ayaa ah intooda badani yihiin qaar iyagu is caleem-saaray ama koox qawlaysto ahi ay caaleemo-saartay, wallow ay jiraan niman madaxdhaqameed ah oo sumcad iyo karaamo ku dhex leh Somaliland, laakin kuwaasi ma ah kuwo iyagu hawshaba gala.

 

Osman Awad

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker