30 sano iyo baadi goobkii aqoonsiga Somaliland. Qaybtii 6aad

Itoobiya:-

Waa markale iyo qoraaladii aan ugu magac daray 30kii sano ee baadi goobka aqoonsiga Somaliland.Qaybtii hore waxaynu kaga jawaabnay sababta Dowlada Jabuuti u aqoonsan wayday Somaliland.Qaybtana waxan ku eegaynaa wadanka Itoobiya oo aynu isagana  deris ka nahay dhina Koonfurta iyo Galbeedka.Sida 2da wadan ee kale ee deriska nahay ,waxaynu guud ahaan Itoobiya wadaagna wax badan sida,dhinaca Taariikhda-midabka derisnimo ,si gaar ah qaybo ka mid ah Itoobiya waxaynu wadaagnaa wada dhalasho- Diinta  iyo Afka.Haddana waa la yaab in mudo 30 sanadood ah in aynu ka dhaadhicin kari wayno aqoonsiga Somaliland,waayo?

In Itoobiya ay  aqoonsan weyndo Somaliland,dadka ku xeel dheer Dibloomasiyada waxay  sabab uga dhigaan dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-

1.  Itoobiya waxay ka kooban tahay Qowmiyado fara badan oo kala duwan,sidaa darteed waxay baqdin wayn ka qabtaa in haddii ay aqoonsato Somaliland in dhibaato uga iman karto  Qowmiyadahaa kala duwan ,oo iyaguna gooni isu taag iyo aqoonsi waydiisan doona Dowlada Itoobiya.

2.  Itoobiya waxaa ku taal xarunta midowga Africa taas oo oo ay cadaadis weyn kala kulanto  marka laga hadlayo aqoonsiga Somaliland.

3.  Itoobiya  waxaa dani ugu jirtaa dhinaca amaanka in Soomaaliya sidaa u kala laalaado,waa in Soomaalida laga ilaaliyaa in ay ka dhalato Dowlad xoog leh,oo Itoobiya khatar ku noqon karta. Yaanay kala goin,dibna u midoobin.

4.  Itoobiya,waxay ogtahay in haddii Somaliland la aqoonsado,waxay cod ku yeelaynaysaa UN-AU iyo IGAD.Itoobiyana wax dan ahi uguma jirto ,  3 Dowladood oo Soomaali ah ,oo cod buuxa ku yeesha Ururda  UN,AU  iyo IGAD iyo urur Goboolka kaleba ,taasina waxay cidhiidhi gelin kartaa dano badan oo Itoobiya leedahay,Gobolka iyo guud ahaan caalamkaba.

Hadal iyo dhamaan,waxaan filayaa in Somaliland iyo  Itoobiya ay dayaceen fursado aad u qiimo badan oo soo maray 2da Dowladoodba ,oo midkoodna ka faaiidaysan kari waayey 30kii sano ee la soo dhaafay,kuwaas oo aan filayo in ay waxbadan ka bedeli lahaayeen xaalada Geeska Afrika ee aynu ku wada noolahay Dhaqaale ahaan,Siyaasad ahaan iyo Dhaqan ahaanba,

………….. la soco qaybta 7 aad iyo Kenya

ALLAA.              MAHAD.    LEH 

 

ALLAA. M A H A D    L E H 

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker