Dablay Hubaysan Oo Maxaabiis Farabadan Kasii Daayey Jeel Ku Yaala Dalka NIgeria

Maxabiis farabadan ayaa ka baxsaday xabsi ku yaal gobolka Imo oo kuyaala koonfur bari Nigeria, kadib weerar ay ku qaadeen dabley hubaysan sida ay sheegeen maamulka xabsiga.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Asluubta Nigeria, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xabsiga Owerri ay weerareen niman hubaysan oo aan haybtooda la aqoon kuwaas oo si qasab ah ku sii daayay 1,844 maxaabiis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen Rag tiro badan oo hubaysan oo saaran gawaadhida xamuulka, kuwaas oo weeraray ilaalada xabsiga ka hor inta aanay  qarxin albaabka weyn ee Jeelka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker