Sidee loo xalin karaa Islaam nacaybka ku sii fidaysa dalalka Reer Galbeedka?

Dilkii afar xubnood oo ka tirsanaa qoys Muslimiin ah iyo dhaawaca canug yar oo gaari xamuul ah ku jiiray magaalada Ontario ee Canada, maalintii Axadda ee 6-da Juun, waxay soo cusbooneysiisay hadal heynta Islaam nacaybka guud ama Islaam nacaybka Galbeedka.

Booliska dalka Canada ayaa sheegay in afarta xubnood ee qoyska Muslimiinta ah, si ula kac ah loo bartilmaameedsaday uuna ahaa fal dambiyeed naceyb ku saleysan oo ka dhan ah Islaamka.

Ra’iisel wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa cambaareeyay “weerarkaas argagixiso” wuxuuna ku sheegay khudbad uu Talaadadii, 8 Juun, ka jeediyay Aqalka Hoose: “xasuuqaani ma ahayn mid shil ah, ee waa weerar argagixiso oo ka dhashay nacayb.”

“Waxaan dhamaanteen rajeyneynaa in canuga si dhaqso ah oga soo kabto dhaawicii soo gaaray, inkastoo aan ognahay inuu wakhti dheer la noolaan doono murugada, faham la’aanta iyo xanaaqa ka dhashay weerarkan fuleynimada ah ee ka dhanka ah Muslimiinta,” ayuu sii raaciyay Trudeau.

“Dhammaantood waxaa loo bartilmaameedsaday caqiidadooda Muslinimada darteed. Tani waxay ka dhacaysaa halkan, Canada; waana inaynu ka hor tagno,” ayuu yidhi, isagoo wacad ku maray inuu qaadayo tallaabooyiin dheeraad ah oo lagu kala jarayo kooxaha midigta-fog.

“Waan sii wadi doonaa la dagaalanka naceybka dhanka online-ka ah iyo meelaha kale, waxaana ka mid ah in la qaado talaabo kale oo lagu kala goynayo kooxaha garabka midig,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Canada.

Justin Trudeau wuxuu soo hadal qaaday weerarada lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta Canada, oo ay kujirto toogashadii masaajidka Quebec, oo ay ku dhinteen 6 qof, sannadkii 2017-kii.

 

Warbaahinta dalka Canada ayaa werisay in maamulka Ontario ay ku soo oogeen ninka loo haysto weerarka Nathaniel Feltman oo 20 sano jir ah, dacwad ah afar dil. Waa ninka gaari mariyay qoys Muslimiin ah oo asalkoodu yahay Pakistan.

Masuuliyiinta Canada waxay sheegeen inay macquul tahay in qofka weerarka gaystay lagu soo oogo fal argagixisonimo.

Golaha Qaranka ee Muslimiinta dalka Canada, waxay dhinacooda dalbadeen in wax laga qabto weerarka ka dhacay dalkaas, iyagoo ku tilmaamay dhacdada “weerar argagax leh.”

Golaha ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo ciribtiro Islaam nacaybka, ka dib dhacdadii xanuunka badnayd.

Qoyska dhibanayaasha ayaa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan magacyada dadka ka dhintay, waxayna kala yihiin: Salman Afzal (46 sano jir), xaaskiisa Madiha (44 sano jir), gabadhooda Youmna (15 sano), iyo ayeeyadood (74 sano).

Waxay sidoo kale sheegeen in wiilka yar “Fayez” uu si xun u dhaawacmay weliga xaaladdiisa lagula tacaalayo isbitaal.

Way adag tahay in si fudud loo kala garto dadka jinsiyadaha kala duwan leh ee Canada, laakiin way ka duwan yihiin haweenka xijaaban oo ay beegsan karaan xag-jiriintu, sababtoo ah dharkooda ayaa muujinaya inay yihiin Muslimiin.

Ali Menhanif, Hormuudka Kulliyadda Cilmiga Bulshada iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Islaamiga ee Syarif Hidayatullah, wuxuu “Islaam nacaybka” ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee uu caalamka wajahaya.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Anatolia, wuxuu ku sheegay in kor u kaca Islaam naceybka ka jira Mareykanka iyo Yurub ay muujineyso in reer galbeedka “aysan diyaar u aheyn in ay soo dhoweeyaan soogalootiga asalkooda iyo dhaqankooda ay kala duwan yihiin.

Wuxuu sharaxay dhibaatada ka dhalatay maqnaanshaha Garashada ay sababtay rabshado ka dhan ah bulshada, midabka iyo diinta, taas oo markii dambe abuurtay “Islaam nacayb”.

Menhanif wuxuu ku baaqay in muhiim ay tahay oo loo baahan yahay in la furo wadiiqooyin isgaarsiineed iyo wadahadal diimeed oo lala yeesho waddamada reer galbeedka, si loo saxo fikradaha khaldan ee sii hurinaya khilaafkan.

Bishii Nofeembar ee sannadkii 2019, Guddiga ka tirsan Golaha Yurub ee ka soo horjeeda Cunsuriyadda iyo dulqaad la’aanta, ayaa ka digay wararka ku saabsan faafitaanka cunsuriyada, ajaanib nacaybka, Islaam nacaybka iyo ka hor imaadka soo galootiga ee dalalka qaaradda, iyo saameynta ay ku leeyihiin masraxa siyaasadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker