Daawo Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Sheegay In Uu Ka Fadhiistay Dhakhtarnimadii Iyo Siyaasadii

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar caafimaad iyo siyaasi caan ah oo saaxadda caafimaadka iyo siyaasadda ku soo dhex jiray in ka badan nus qarni ayaa shaaca ka qaaday maanta inuu hawlahaasi isaga fadhistay, una jeestay dhanka samo-falka.

Dr. Gaboose oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu go’aankaas qaatay ka dib markii uu muddo dheer ka baaraan-degaayay, waxaanuu intaas ku daray inuu hadda wixii ka dambeeya uu ka shaqayn doono sidii uu kaalin uga qaadan lahaa wax la qabashada dadka jilicsan, ka shaqaynta danta guud.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker