Boqoradda Ingiriiska Iyo Saamaynta Geerida Ku Timid Odaygeedii Amiir Philip

Boqoradda ayaa ku tilmaantay geeriday Amiirka Edinburgh inay “raad weyn ku reebtay nolosheeda”, wiilkeeda oo ah Amiirka York ayaa sidaas yiri.

Amiir Andrew ayaa sheegay in geerida aabbihiis ay ahayd mid “saameyn weyn” ku reebtay qoyskiisa.

“Waxaan weynay awoowaha qaranka,” ayuu intaas ku daray, mar uu ka soo tegay munaasabadda Windsor.

Goor sii horerysay, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Sir John Major ayaa sheegay in murugada ay isla qeybsadeen Qoyska Boqortooyada ay fursad u tahay in meesha laga saaro is maan dhaafkii u dhaxeeyay.

Amiir Andrew ayaa sheegay in Qoyska Boqortooyadu ay aad uga mahad celinayaan “maamuuskii cajiibka ahaa” ee la siiyay Philip.

Wuxuu intaas ku daray: “Boqoradda, sidii aad fileyseenba, waa qof aad u ad adag.

“Waxay ku tilmaantay inay raad weyn ku reebtay nolosheeda balse annaga, qoys ahaan, kuwa u dhow, waan garab joognaa si aan u hubinno inaan caaiwnno.”

Mar uu ka hadlayay jaceylka uu aabbihiis u qabo, Amiir Andrew ayaa yiri: “Aad ayuu u degganaa. Haddii uu dhib ku heysto, wuu ka fekeri jiray.

“Wuxuu mar walba ahaa qof aad u tegi karto mar walbana wuu ku dhegeysanayaa marka qof weyn baa naga baxay.

“Waxaan weynay awoowihii qaranka. Waxaana murugada la dareemayaa oo garab taaganahay hooyadey oo murugada dareemeysa si ka daran siduu qof walba dareemayo.”

Wuuxu intaas ku daray: “Waan ogahay caawinaad weyn ayaa la siiyay, keliya maaha ayada (Boqoradda) balse qof walba xilli aan wajaheyno waqtigan adag.

Amiirka Wessex, oo ah wiilka ugu yar Boqoradda, ayaa yiri: “Si walba oo uu qof isugu diyaariyo wax sidna oo kale ah, weli waa qarracan.

“Welina waxaan isku dayeynaa inaan rumeysanno arrintaas. Waana wax aad iyo aad u murugo badan.

“Balse waxaan leeyahay maamuuskii aan caadiga ahayn iyo xusuusihii uu qof walba doonayay inuu nala wadaago aad ayay cajiib u ahaayeen.”

Boqoradda Wessex ayaa sheegtay in Boqoradda “ay ka fekereysay dadka kale kahor inta aysan nafteeda ka fekerin”. =

Amiir Andrew ayaa ka fadhiistay shaqooyinka boqortooyada sanadkii 2019 kaddib markii ay sii xoogeysatay cambaareyntii uu kala kulmay xiriirkii uu la lahaa Jeffrey Epstein oo lagu eedeeyay tacaddiyo galmo ikaddib wareysi ay BBC-du la yeelatay.

Munaasabad duco ah ayaa lagu qaban doonaa St George’s Chapel, oo ku taalla Windsor Castle, Sabtida, 17-ka April saacadda marka ay tahay 15:00 BST. Munaasabadda ayaa toos loo baahin doonaa.

Xubno ka tirsan Qoyska Boqortooyada ayaa socon doona halka ka dambeysa naxashka.

Amiirka Sussex ayaa ka soo duuli doona Mareykanka isaga oo ka qeyb geli doona munaasabadda, inkatsoo aan la ogeyn xilliga uu imaan doono. Xaaskiisa, Meghan, oo uur leh, ayaa iska joogi doonta hoygooda California sida ay kula taliyeen dhaqaatiirta.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Amiir William iyo Amiir Harry ay weji ka weji u kulmaan tan iyo intii uu Amiir Harry bishii la soo dhaafay wareysi siiyay Oprah Winfrey.

Wareysigaas ayay Amiiradda Sussex – oo ah qofkii ugu horreeyay ee midabkeedu isku dhaf yahay kana mid noqota Qoyska Boqortooyada – ku sheegtay in qof aan la magac dhabin oo qoyska boqortooyada ka tirsan uu Amiir Harry weydiiyay sida “sida uu u madoobaan doono” wiilkooda Archie.

Amiir Harry ayaa markii dambe Oprah u caddeeyay in hadalladaas aysan dhihin midkoodna Booqradda amaba Amiirka Edinburgh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker