Boqor Dalka Jordan (Urdun) oo Xabsi guri galiyay Walaalkiis kadib markii uu ka shakiyay

Boqortooyada dalka Jordan (Urdun) ayaa xabsi guri galisay Amiirkii mar ahaan jiray dhaxal sugaha taajka boqortooyada Urdun Amiir Xamsa Bin Xuseen, kadib markii uu ku dhaqaaqay falal aanuu  jecleysan walaalkiis ka weyn Boqor Cabdalla.

Muuqaal uu soo duubay Amiir Xamsa Bin Xuseen, ayuu ku sheegay in la galiyay xabsi guri, waxa uuna ku eedeeyay Boqortooyada uu hogaamiyo walaalkiisa ay kala hooyada yihiin in dalka galiyay xaalad xun oo musuq maasuq iyo maamul xumo ah.

Amiirka xabsi guriga la galiyay ayaa la sheegay in uu kulamo la yeeshay hogaamiyaasha beelaha Urdun uuna ku dhaqaaqay talaabooyin Boqortooyada u aragto mid uu ku doonayo in dalka khalalaase ku galiyo.

“Waxaa booqasho iigu yimid taliyaha ciidanka Urdun saaka oo ii sheegay in aan la ii ogolayn in aan guriga ka baxo oo aan dadka la xidhiidho ama aan la kulmo sababta oo ah kulamo aan fadhiyey ayaa lagu dhaliilay boqorka”. ayuu yidhi Amiir Xamsa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker