Somaliland Waayahii Soo Maray Maxay Ka Baratay?

Somaliland waayahii soo maray maxay ka baratay? Halkay taagan tahay maanta? Maxaa u kordhay maxaase ka dhacay? Maxay ku dambayn?
Sida loo wada tashato, loo wada raadiyo xalinta mashaakilka, ee laysu kaashado waxna loo wada qabsado, farsamooyin cusubna loo barto, danta guudna si wadajir ah illaashado ayaa lays ku dhaafey.
Wadatashiga iyo wadajirka in laysku dhaafay waxa daliil u ah adduunyadan ummadaha ku uuman ee u kala baxay 3da qaybood: a) dad tegey, b) dad tiigsanaya dadka tegey, iyo c) dad aan hayn talo iyo tamar ay ku higsadaan dadka tegey ee horuumaray.
Dadka tegey waa dadka caqliga fiican leh, nolol fiicanna ku nool, mar walbana ka fikira sida ay u
gaadhi lahaayeen mustaqbalka nonol ka wacan tay hadda ku nool yihiin. Dadka tegey waa dadka hore uga artantamasaday in aanay isku yaacyaacin markay dhibi soo wajahda oo keliya  (Covid-19 oo kale waa gaar – exceptional). Dadka tegey waa dadka aan ka daalaan in ay abuuraan xilli kasta firkir cusub oo wax ka tara maamulidda iyo maaraynta waayaha nolosha.
Dadka higsanayaa dadka hore u maray waa dadka goostay in ay gaadhaan halka qayrkood gaadhay; waa dadka gartay in ay sameeyaan waxa qayrkood sameeyey; waxay garteen in ay ku kacaan waxa qayrkood  ku hanteen dad iyo dal dhisan;  waxay garteen in ay si hufan uga gudbaan waxyeelooyinka wax u dhimma horu-kaca bulsha-weynta; waxay garteen in aanay ceeb ahayn markay wax ka qasmaan in ay wax weydiiyaan dadka aqoonta leh ee hore u maray; waxay kaloo ay garteen in ay waxqabsi kasta ku bilaabaan waxay haystaan, oo aanay marnaba u hanqal taagin in ay wax ku qabsadeen wax gacan shisheeye ku jira.
Dadka laga tegey ee qayrkood ka hadhay ee aan haynin talo iyo tub ay ku higsadaan dadyawga tegey waa dadka sida uu waayaha noloshu ugu yimaado u nool iskana aqbala kolba xaaladaha waayahu sidaa siday noqdaan, waxna aan iska weydiin waxay kaga bixi karaan waxyeelooyinka soo noqnoqda, ee ay ka mid yiin abaaraha iyo biyo la’aanta, ayadoo biyo aan qiyaas lahayni sannad walba ku qulqulaan badaha, tallo iyo tamar la’aan darteed. Dadka aan haynin tamar iyo tayo ay ku higsadaan dadka tegey waa dadka aan welli garan waxa ay wada leeyihiin iyo waxa ka dhaxeeya; waa dadka caado ka dhigtay in ay had iyo jeer is-xinniyaan isna xaasidaan.
Haddaba  Somalilanf waa qaybtee? maxaa kaaga baxay in aad war heshid oo aad wax ogaatid, waxna baratid. Qof kaa il dheeri ma kaa aragti fog yahay?  Wax-weydiin-ogaal maxaa laga taransadaa?
Sida wax loo kala hor ogaado, sida loo kala dadaal badan yahay, sida loo kala wax-barasho fiican yahay, sida nolol ladan lagu gaadho loo kala hor fahmey, ayey dadka maanta adduunkan ku nooli u kala horeeyaan.
Wax-weydiin-ogaal waa aqoon korodhsi, oo la mid ah wax-barasho, wax-barashana waa tubta keliya ee kor u qaaday awoodda dadyaw badani ay horumar ku gaadheen.
Somaliland wax ma lays wediiyaa? Ma lays dhegeysta horta? Xildoonis iyo xatooyo xoole dadweyne hankaagu ma dhaafsan yahay? Yaan been laysku maaweelin, dhaxalkaad caruurtaada uga tagtaa ‘waa reer hebel baan ahay’, no more no less. Qabiilkaad tahay ciddi kuuma diidana ee wax ku dar, goormaydun garan?
Jama Ismail

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker