CANDHUUFTA EYGA WAXA KU JIRA IN KA BADAN 20 NOOC OO BAKTEERIYO AH

Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee  15 Qarni ka hor waxa uu Xadiis inoogu sheegay in Eyga loo haysto Sadax sababood iyo wixii la halmaala kuwaasi oo kala ah,in lagu Ugaadhsado kadibna Ugaadha uu soo qabto inta uu Afkiisa iyo dhareerkiisu gaadhay isaga loo jaro ,in Xoolaha lagu raacdo iyo in Beeraha iwm Waashmaan looga dhigto.
Intaasi waxa laga fahmi karaa lagana qaadan karaa sida Culimo badan oo Musliminii ay sheegeen in Eyga loo isticmaali karo Polis iyo Danbi baadhis iwm , balse Akhriste Nabigu waxa uu ka digay waa uun Dhareerka Afkiisa iyo Maqaarkiisa qoyan in la taabto ama la salaaxo,sababta oo ay dhareerka afkiisa ka qubanaaya inta badan waxa uu ku masaxaa Maqaarkiisa kore.
Waxa kaloo Nabigu CSW uu inoo sheegay in Sadaxdaa wixii aan ahayn ee Eyga loo haystaa xataa ay Ajarkaaga Maalinlaha ah ay nusqaan u keenayso Maalinkastana xasanaadkaagu uu nusqaamaayo.
 فعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: (مَنْ اقْتَنَى كَلْبًا لَيْسَ بِكَلْبِ صَيْدٍ وَلا مَاشِيَةٍ وَلا أَرْضٍ فَإِنَّهُ يَنْقُصُ مِنْ أَجْرِهِ قِيرَاطَانِ كُلَّ يَوْمٍ).
Waxa kaloo iyana Xadiis Nabigu inoogu sheegay in Taabashada Eygu aanay banaanayn gaar ahaan marka uu Maqaarkiisu uu qoyan yahay ama adiga Gacmahaga iyo meesha aad ku taabanaysa ay tahay mid qoyaan leh.
HADABA CASRIGAN MAXAA LA OGAADAY?
Daraasadaha cusubi waxay ka digayaan  in candhuufta eyga ay u gudbin karto halis farabadan ,waana mida inta badan Eygu uu dibada isaga soo saaro dhareerkiisa.
Waxaa jira bakteeriyo la yidhaahdo Capnocytophaga Canimorsus oo iyadana laga qaado Eyga gaar ahaan marka qofka Mulkilaha Eygu  uu korkiisa taabanaayo isaga oo Gacantiisu ay qoyan tahay amaba sida ay dadka Gaaladii sameeyaan Eyga Afka laga dhunkado , tani waa Bakteeriyo madax adag oo u keeni karta milkiilaha Eyga cudurro halis ah.
Warbixin lagu daabacay Joornaalka CBS News 2016 ayaa sheegeysa in Haweeney ay ku jirtay Dhakhtar muddo aad u dheer oo Sanado ah sababtoo ah Bakteeriyadii halista ah ee ay usoo gudbisay Eygii ay haysatay oo markasta ay Afka ka dhunkanaysay.
Sidoo kale waxaa jira dad difaac u ah in  Bakteeriyadani ay si dhakhso wax u yeesho caafimaadkooda ,sidaa darteedna aan ku dhici karaan Cuduro halis galin kara.
Sida aan kor kusoo xusnay daraasad cilmiyaysan oo lagu daabacay Joornaalka Ururka Caafimaadka ee Thailand Taariikhdu markay ahayd Disember 2003 waxay leedahay: candhuufta Eygu waxay ka koobantahay in kabadan 20 nooc oo bakteeriya ah .
Daraasado kale oo iyana la daabacay Bishii Nofembar 2005 joornaalka Microbiology waxay xaqiijinaysaa jiritaanka bakteeriyada candhuufta Eyga sida Actinomyces Streptococcus iwm, iyada oo ay jiraan  kiisas badan oo ku dhammaaday aakhirkii dhimasho.
Waxaa sidoo kale daraasad cilmiyeysan lagu daabacay Bishii Abriil 2011 Joornaalka la magac baxay Clinical Microbiology Reviews Darasadaasi oo iftiiminaysa  in candhuufta Eygu uu sido ay tahay bakteeriyo waxyeelo halis ah u leh Adanaha iyo dadka iyagu Rabaysta ee sida xun u isticmaala.
Daraasado cilmiyeed kale ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Cudurka layidhaa  Raabiyada uu ku jiri karo candhuufta Eyga,una gudbin karo  Bini Aadamka asaga oo aan qaniinin, sidaa darteed waxa ay darasadaasi dadka kula talinaysaa dadka Eyda rabaysta isla markaana la cayaara  in ay Farahooda ay dhaqaan markasta.
Saxiib Akhriste Nabi Muxamed CSW Qarniyo ka hor ayuu arimahan uu inooga digay hadii aynu nahay Muslimiinta ,maantana waxa xaqiiqdii soo saaray Saynisyahanadii Aduunkan casriga ah,
Xadiiskii Nabiga CSW
لماذا قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إذا ولغ الكلب في إناء أحدكم فليغسله سبع مرات أولاهن بالتراب»
 (Haddii Eygu leefleefo mid ka mid ah weelkiIsa, ha maydho Toddobo jeer) [Waxaa wariyay Muslim].
 Xigasho macluumaadka
elbalad.news iwm
W/Q.Khadar Ibrahim Aar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker