Xaalada Covid-19 Ee Hargeysa iyo War-bixin Daaha Ka Rogaysa Itaal-darada Wasaaraddii Caafimaadka.

Marka koowaad Waxaan halkaan tacsi u marinayaa dhamaan eheladii ay ka dhinteen intii u dhimatay xanuunka covid19, allaha u naxariisto amen, samir iyo imaana allaha inaka siiyo dhamaanteen.
Sida wada ognahay Wasaarada caafimaad u malaynmaayo inay awoodi kari wayday inay dajiyo sharuuc cad cad ee looga hortagayo xanuunka covid19 ee waxaa jira
1. Dayacaad iyo waajib wayn oo aysan iska saarin wasaaradu xanuunki lagu dhamaaday.
2. Waxaa jirta qorshe la’aan ku aadan ka hortaga cudurka covid19.
3. Waxaa muuqata bulsho aan ku baraarugsanayn khatarta xanuunka.
4. Waxaa wali dadku isagu yimaadan meelaha public ah sida ganacsiyada iyo goobaha shaqaba iyo waxbarasha.
Intaas aan kor ku xusay iyo kun qodob oo kale oo aana qoraal kusoo koobi karin ayaa wasaarada caafimaadka iyo dhamaan ururada kale ee caafimaadka ka shaqeeya ay ka fakari waayeen si ay ugu yaraan ummadeena u badbaadiyaan illaah swt baa wax badbaadiye.
Waxaa maalmahaan danbe aad u batay dadka u dhimanaya xanuunkan covid19 ee caasumada wadanka ee hargaiza halka dhamaan jaarkeena khaasataan gobolada soomaaliya lagu guulaystay yaraynta faafinta xanuunkan.
Jawaabtu waa waxay lahaayeen qorshe cad ay uga hortagaaan xanunkan ilaa wakhtigii uu soo labo kacleeyey sida:
1. Xirida meelaha public-ga sida xarumaha waxbarashada, ganacsiga qaar, xarumaha dowladaha
2. Dajinta sharuuc dadka si khasab looga baahanyaha hirgalinteeda sida xirashada masks-ka, kala fogaanshaha, joogtaynta fara-dhaqa iyo dhamaan sharuucaha kale ee looga hortago xanuunkan covid19
3. Goobo gaara/ isbitaalaad gaara ee loo asteeyey
Dadka looga shakiyo ama qaba xanuunkan loona ogolaan in la geeyo isbitaalaadka khaaska dadka qaba xanuunkan covid19.
Waxaan wasaaarada caafimaadka kula talinayaa inay muhiimad gaara iska saaraan xanuunkaan covid19 ee aysan kaliya xooga saarin, iskuna halayn taalaalkaa yar ee aan deeqda aanu ku helnay.
Waxaan bulshada reer somaliland khaasataan rer hargaiza kula dardaarmin inay qaybtooda ka qaataan ka hortaga xanuunkan.
Dhamaan qofkasta ee ka tirsan bahda caafimaadka iyaguna inay ka qaybqaatan a hortaga xanuunkan khaasatan wacyi-galin iyago u marinaya baraha bulshada khaasataan idaacadaha iyo TVs Local-ka ee bulshadu aadka u dhagaysato.
W/Q: Dr. Khalid Abdalla.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker