Guddoomiye C/raxmaan Cirro Oo Dhambaalo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuummiinta Pro Faarax Barre Shirre Odowaa Iyo Dr Diiriye Ismaaciil Ereg

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Dhambaalo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray labadda Marxuum professor Faarax Barre Shirre Odowaa Iyo Dr Diiriye Ismaaciil Ereg oo shalay Iyo Maanta ku kala Geeriyooday Cisbitaalka Guud Ee Magaaladda Hargeysa.
Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Dhambaaladdan Tacsidda labadda Marxuum soo dhigay Barta uu ku leeyahay Mareegta xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook, ayaa Siddan ku yidhi “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u wada dirayaa qoysaska, ehelada, asxaaba, Bahda waxbarashada, Bahda dhakhaatiirta geerida xanuunka leh ee ku timid Labada Marxuum ee kala ah, Dr Diiriye Ismaaciil Ereg iyo Proff Faarax Barre Shire oo ku geeriyooday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Runtii, waxa ay labadaa Marxuum ee Dr-ka & Proff-ka umadda reer Somaliland gaar ahaan bahda dhakhaatiirta iyo bahda waxbarashadaba geliyeen tacab iyo tamar badan oo marag & markhaatiba leh, Ilaahayna waxa aan ka barayayaa in uu Jannatul firdowsa geeyo, samir iyo iimaanna inaga wada siiyo. Aamiin”.
Alle ha u naxariistee, labadda Marxuum, Waxa Lagu aasay Xabaalaha Deegaanka Haleeya ee Bariga Caasimadda Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker