Wakiilka Somaliland Ee Jabuuti Oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku Qaabilay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Siyaasi Sh. Saleeban.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku Qaabilay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Mr Farxaan iyo Siyaasi Sheekh Saleeban.

Danjire Abdifatah
Jabuuti(OWN)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa dalka Jabuuti kusoo dhoweeyey Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe iyo Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleeban Siciid Cali oo hawlo shaqo u jooga dalka Jabuuti.
Masuuliyiintan, ayaa dalka Jabuuti kala kulmay soo dhoweyn Balaadhan, iyadoo uu halkaas ku qaabilay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo ah masuul caanku ah qaabilaada iyo soo dhoweynta waftiyada Somaliland ka taga ee hawlaha shaqo u jooga dalka Jabuuti.
Jabuuti iyo Somaliland ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh Saaxibtimo, mid Walaalnimo iyo mid jaarno, waxanu sanaadadii u dambeeyey labada dawladood ahaayeen Saaxibo aad isagu dhow, iyadoo Siyaasada geesta ay raffiiq ka yihiin.
Oodweynenews/Desk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker