Safiirka dalka Jabuuti u jooga JSL Oo Baaq U Diray Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Degan Somaliland

Jaaliyadda reer Jabuuti ee degan dalka ayaa loogu baaqay in la bilaabay bixinta iyo qaadashada kaadhadhkii codeynta, isla markaana waxa loo soo jeediyey inay doontaan kaadhadhka, si ay doorashada Madaxtooyadda uga qeybgalaan.

Safiirka dalka Jabuuti u jooga Somaliland Md Xueen Cumar Kawaaleye oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa khamiisti ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay ka qeybgalaan doorashada 9-ka bisha April ka dhacaysa dalkiisa.
Mar uu fariin la xidhiidha doorashada gudbinayey ayuu yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil C. Geele, magaca Marwada Koowaad, magaca xukuumada, waxaan u soo jeedinayaa jaaliyadda reer Jabuuti ee ku nool geyiga Somaliland, isla markaana ogeysiinayaa in la bilaabay bixinta kaadhadhkii codeynta doorashada 9-ka April, ee lagu dooranayo Madaxweynaha Jabuuti.”

Safiirka Jabuuti ayaa ugu baaqay bulshada reer Jabuuti inay doontaan qaadashada kaadhadhka, waxaanu yidhi, “Waxaan idiinka codsanayaa inaad doonataan kaadhadhkii codeynta si aad u gudataan waajibaadkiina codeynta, oo ah xuquuq muwaadinku leeyahay”

Waxa kale oo Safiir Kawaaleeye ugu baaqay dadka xaalado gaar ah awgood u doonan Karin kaadhadhka sida xaalad caafimaad iyo mid da’ ahaaneed, inay diyaarsadaan hanaankii ay ugu wakiilan lahaayeen qof u doona kaadhka, uguna metela codeynta dhacaysa.

Fariinta Safiir Xuseen Kawaaleeye ayaa imanaysa xilli arbacadii maareeyaha ololaha doorashada Md Ismaaciil Cumar Geele Mr Axmed Cali uu waraaqahii mushaharximada Ismaaciil Cumar Geele u gudbiyey wasiirka arrimaha gudaha mudane Muumin Axmed, taas oo sida sharciga Jabuuti dhigayo in muddo toban maalmood (1-10 March) gudahood ah ay dhamaan musharaxiintu ku gudbiyaan codsiyadooda ka qeybgalka doorashada doorashada 9-ka April dhacaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker