Qaramada Midoobay Oo Cambaareeyey Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo war kasoo saaray qaraxii xalay ka dhacay maqaayadda Luul-Yemeni ee magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas oo lagu dilay dad badan.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya.

Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in lagu dilay 10-qof iyo dhaawaca 30 kale, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawacu ay intaas ka badanyihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker