Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo Hawl-Gallo ka Fuliyay Xeebaha Dalka iyo Xuduudka Yemen iyo Somaliland

Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa shalay waxay hawl-gallo ka fuliyeen xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag iyo xeebaha ay Somaliland la wadaagto dalka Yemen.

Waxaana ciidamadaasi hogaaminayay taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland oo uu wehelinayay badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Badda ee Saaxil.
Hawl-galkaasi oo ay ciidamadu bilaabeen saqdii dhexe ee habeen hore oo qaatay muddo 24 Saacadood ah waxay ciidamadu ku soo qab-qabteen Doonyo laga leeyahay dalka Yemen oo si sharci darro ah uga Kalluumaysanayay xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaa gee Somaliland.

Gaar ahaana deegaamadda Karrin iyo deegaan xeebeedka Shalcaw, inkastoo shaqaalihii watay Doonyahaasi ay wateen waraaqo ay sheegeen in loogu fasaxay in loogu faxasay in ay xeebaha Somaliland kaga Kalluumaystaan.

Waraaqahaasi oo laga siiyay deegaamadda xeebaha ee Lughaya iyo Ceel-daraad iyo deegaanka Shalcow, sida ay sheegeen shaqaalaha Doonyahaasi.

Waxaanay ciidamadu Doonyahaasi ka ururiyeen waraaqahaasi ay siteen oo qaarkood ah muddo dhaaf ahaayeen, iyadoo ay ciidamadu amar ku siiyeen Doonyahaasi in ay si deg deg ah uga baxaan xeebaha Somaliland.

Isla markaana waxay ka saareen biyaha Badda Somaliland.

Taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland sareeye guuto Maxamed Faarax Xiirane, ayaa sheegay in ay mar walba samayn doonaan kormeero ay ku sugayaan amaanka iyo bed-qabka xeebaha dalka.

Waxaanu tilmaamay in socdaalkoodani ka mid yahay shaqadda ciidamadu ay hayaan, isla markaana ay soo kormeereen meello badan oo Badda ka mid ah.
“Waxaanu soo aragnay Doonto ay ka dhaceen waraaqaha loogu fasaxay in ay xeebaha Somaliland ka Kalluumaystaan iyo kuwo aanay waraaqahoodu saxnayn.

Laakiin, maadaama oo aanay ciidamadu ka bixin Badda oo ay mar walba Cagta ku hayaan, waa wax la xalin karro taasi.

Waxaanan kala hadli doonaa wasaarradaha Maaliyadda iyo Kalluumaysiga oo sharciyadda siiya Doonyaha Kalluumaysiga ee shisheeye. Waanu waddi doonaa hawl-galadaasi.

Waanan u hanbalyaynayaa ciidamadda hawshaasi ay fuliyeen” ayuu yidhi taliyaha ciidanka xeebaha.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Baddeena aan ilaashano, barwaaqo ayaa ka buuxda. Yementu way ku soo yaacayaan Baddeena, waxaanay doonayaan in ay xoolaheena boobaan. Wixii aanu maanta qabanayna tallaabo ayaanu ka qaadi doonaa, waanan ganaaxi doonaa.

Laakiin, waan ilaalin doonaa amaanka Baddeena, meel gaar ah ayaanan doonyaha Kalluumaysiga ee shisheeye u soo rarri doonaa.

Halkii hore ee lagu cashuuri jiray waxaanu isla garanay guddoomiyaha gobolka in laga soo rarro doonyaha Kalluumaysiga ee shisheeye. Balse waxaanu kala tashan doonaa haayadaha dawladda ee ay shaqadu nagala dhaxayso”.

Sidoo kale taliyaha saldhiga koowaad ee ciidamadda gobolka Saaxil ee gobolka Saaxil gaar ahaana magaaladda Berbera, Haaruun Siciid Cali, ayaa isna ka warbixiyay hawl-galkaasi iyo meelihii ay ku soo mareen.

Waxaanu yidhi, “Xalay markii ay Saacadu ahayd afartii habeennimo ayaanu hawl-galkaasi u baxnay, waxaanu gaadhnay xuduud Baddeedka uu gobolka Saaxil la leeyahay gobolka Sanaag”.

Geesta kale guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi, ayaa isna sheegay in hawl-galkaasi ay ku soo arkeen waxyaabo badan oo aanay maamul gobol ahaan hore uga warqabin.
“Waxyaabo badan oo aanaan maamul ahaan hore u ogayn ayaa maanta (shalay) noo cadaaday, oo aanu aragnay.

Kormeerkaasi joogto ayuu noqon doonaa, waxyaabihii aynu Badda ku soo aragnayna sidii wax looga qaban lahaa ayaynu taladeedda yeelan doonaa” ayuu ydihi badhasaabka Saaxil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker