Baadariga Diinta Masiixiga Oo La Kulmay Wadaadka Ugu Sarreeya Shiicada Ciraaq

Baadariga ugu sarreeya madhab-ka Catholic-ga ee diinta masiixiga Pope Francis, ayaa maanta kulan taariikhi ah magaalada barakeysan ee Najaf ee dalka Ciraaq kula yeeshay Ayatollah Ali al-Sistani oo ka mid ah culimada ugu waaweyn madhabka Shiicada ee Islaamka.

Pope Francis iyo Ayatollah Ali al-Sistani ayaa labaduba cambaareeyay dagaallada, kuna baaqay nabad ka islaaxda Bariga Dhexe. Pope-ka ayaa ka codsaday madaxda siyaasadda iyo diinta Ciraq in la xaq-dhowro Misiixiyiinta laga tirada badan yahay ee Ciraaq.

Sistani, oo ah 90 jir ayaa kulanka uu la yeeshay Pope Francis ka dib sheegay in Masiixiyiinta reer Ciraaq ay dalka Ciraaq nabad ugu noolaadaan sida Muslimiinta iyo Yaziidyiinta oo kale.

Wuxuu sheegay in hogaamiyeyaasha diinta ay waajib ku tahay in ay door weyn ka ciyaaraan, si loo joojiyo masiibooyinka ka dhasha dagaalka iyo colaadaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker