Al-Shabaab oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa war kooban oo ay kasoo saareen qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxay ku sheegteen mas’uuliyadiisa, waxayna bartilmaameedkiisa ku sheegeen saraakiil ka tirsaneed dowladda.

Waxbaahinta taageerta kooxda ayaa werisay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu beegsaday maqaayadda Luul-Yemeni oo u ku taalla degmada Xamar-Jajab, una dhaw dekedda Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegeen in goorta ay qaraxaas la beegsanayeen maqaayadda ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo xalay goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Geerida 10-qof iyo dhaawaca 30 kale, ayuu xaqiijiyey afhayeenku, waxuuna sheegay in qaraxaas loo adeegsaday mooto nooca xamuulka qaada ah oo maqaayadda la hor dhigay.

Dadka ku dhibtay qaraxaas oo u badnaa shacab ayaa ka cunteynayey maqaayadda, sidoo kale dadka qaar waxay ku socdaalayeen wadada hor marta maqaayadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker