Afhayeenka booliska Soomaaliya Oo Ka Warbixiyey khasaarihii ka dhashay Qaraxii Muqdisho

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo xalay goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaarihii ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Geerida 10-qof iyo dhaawaca 30 kale, ayuu xaqiijiyey afhayeenku, waxuuna sheegay in qaraxaas loo adeegsaday mooto nooca xamuulka qaada ah oo maqaayadda la hor dhigay.

Dadka ku dhibtay qaraxaas oo u badnaa shacab ayaa ka cunteynayey maqaayadda, sidoo kale dadka qaar waxay ku socdaalayeen wadada hor marta maqaayadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker