Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Oo War_murtiyeed kasoo Saartay Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Nuuradiin (Nuuradiin Boys)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Oo War_murtiyeed kasoo Saartay Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Nuuradiin (Nuuradiin Boys) , qoraalkaas oo u dhignaa sidan :-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska markii ay ka war-heshay dhacdii ka dhacday dugsiga sare ee Nuuradii (Nuuradii Boys), waxa isla markiiba goobta tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Aaxmed Maxamed Diiriye oo ay wehelinayaa qaar ka mid ah, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi Jeex.
Markii ay goobta tageen waxa ay dejiyeen xaalada si maamulka iyo kala dembaynta dugsigaasi u soo noqoto. Iyaga oo ay kala qaybqaatay ciidanka bilayska.
Sidoo kale, waxa ay la kulmeen maamulka dugsiga si ay uga waraystaan dhacdadan iyo waxa sababay. Wasiirka iyo madaxda kale ee WW&S Waxa ay u kuurgaleen baaxda uu leeg yahay khasaaraha ay geysteen ardey gadooday, waxaanay fasal fasal u galeen isla markaana qiimeyn ku sameeyeen khasaaraha soo gaadhay dugsigaas.
Markii kormeerku dhammaaday, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa uu magacaabay Guddi farsamo oo loo xilsaaray dhacdada dugsiga Sare ee Nuuradii Boys ka dhacday.
Guddidaas oo kala ah:-
1. Xuseen Cabdi Cawil Ag. Waxbarashada Tooska. ( Gudoomiye)
2. Yuusuf Xuseen Maxamed. Ag. Waaxda Hantida Waxbarashada.
3. Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac. Ag. Waaxda Daryeelka.
4. Su’aad Maxamed Cabdi Ag. Waaxda Waxbarashada Dadban.
5. Cabdikariim Cali Caarif Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex
6. Aamina Casayr Magan Guddoomiyaha Waxbarashada degmada Hargaysa.
Guddidu waxa ay kulan isugu yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 04,03,2021, waxaanay soo saareen go’aamo hor dhaca ah oo ku saabsan dhacdada dugsigan, kuwaas oo ah:-
1. In baadhis lagu sameeyo khasaaraha ka dhashay dhacdadan iyo cida masuuliyada leh, iyada oo Wasaaraddu kaashanaysa maamulka Gobolka iyo ciidamada kala duwan ee nabadgalyada iyo dambi baadhista
2. In guddidu baadhis ku samayso arrimaha maamul ee sababay Gadoodka Ardayda, muddo lix cisho gudahood ahna go’aan kaga soo saarto dhacdada dugsiga.
3. In ardeyda dugsigada la fasaxo muddo lix maalmood ah inta dayactirka dugsigu dhammaanayo, taas ka bilaabmaysa 6/03/2021 kuna eeg 11/03/2021
4. In aan maamulka dusigu furikarin dugsiga illaa baadhistu dhammaanayso, Wasaaradduna qoraar rasmi ah ka soo saari doonto dhacdadan.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay u mahadcelinaysaa Ciidanka ammaanka masuuliyada ay muujiyeen iyo sida qiimaha lahayd ee ay ardeyda ula dhaqmeen.
Sidoo kale, waxa ay u mahad celinaysaa, naamulka Gobolka Maroodijeex oo si xilkasnimo leh uga qaybqaatay, dejinta gadoodka ardeyda.
Geesta kale, wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxay ku war gelinaysaa bulshada, in aan laga hor dhicin baadhista gacanta lagu hayo ee ay iska kaashanayaan laamaha ammniga iyo Wasaaradda waxbarashadu.
Sidoo kale, wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxay bulshada xasuusinaysaa, in aan arrimaha la xidhiidha Waxbarashada aan la siyaasadayn, ujeedooyin kala duwana aan looga faa’idaysan dhacdadan. Isla markaana tudhaale la muujiyo maadaama ay tahay masayrka ubaxa waddanka u soo kacaya.
Allah Mahad leh.
Wasaaradda waxbarashada &sayniska JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker