Maleeshiyaad Hubaysan Oo Weerar Ku Qaaday Xalay Xabsiga Weyn Ee Boosaaso.

Maleeshiyaad hubeysan, ayaa weeraray xalay  xabsiga weyn ee Magaaladda Boosaaso, Iyadoo ah halka lagu hayo dadka ugu badan ee loo haysto falalka Amaan-daro.
Kooxddan soo weerartay xabsiga Magaaladda Boosaaso, ayaa bilowgii adeegsaday qarax-weyn, oo ay ku beegsadeen goobta hubinta Koowaad ee Amniga xabsiga, ka dibna waxaa bilowday dagaal socda wali sida ay cadeynayaan xoguhu. Qaraxyo badan ayay adeegsanayaan kuwa weerarka soo qaaday.

Dagaalka oo muddo saacado ah ka socday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacba leh.

Goobjoogayaal ayaa   sheegay in Kooxdii weerarka ku qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ay sii daayay maxaabiis badan oo halkaasi ku xirnaa.

Khasaare ayaa ka dhashay iska horimaadka, Ciidanka Amniga ayaana la dagaalamaya dableyda weerarka ku qaaday xabsiga Boosaaso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker