Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo La Kulmay Safiirka Mareykanka U Fadhiya Soomaaliya

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Arrimo ay ka mid ahaayeen sida dib u habeynta hanaanka Maaliyadda, iyada oo la tixraacayo heshiiskii Hay’adda IMF ee hagaajinta dhaqaalaha dalka.

 

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid guul ku dhamaaday,isla markaana uu rajeynayo in hagaajinta dhaqaalaha dalka uu sahli karo deyn cafinta Soomaaliya.

 

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu na siiyo Mareykanka ee ku aadan dib u hagaajinta dhaqaaleheena, Xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya ayuu yidhi Wasiir Beyle.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker