Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Shacabka Reer Somaliland Iyo Dunida Muslimka Munaasibadda Sanadka Cusub 1440-Awgii.

Hargaysa-(OWN)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Munaasibadda Sanadka Cusub Ee Islaamka Ugu Hambalyeeyay Shacabka Reer Somalilan Iyo Dhamaan Dunida Muslimkaba Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Madaxwaynaha Ayaa Udhignaa Sidan,     DHAMBAAL HAMBALYO AH:10/09/2018.
Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1440-ka.
+++++++++++++++++++++++++++++++++
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1440-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Salaasa ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo xukuumadna isku duubnaadaa.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Image may contain: 1 person, indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker