Diyaarad Helikobter oo ay Milliteriga dalka Turkiga Oo Ku Dhacday Dalka Turkiga

Diyaarad Helikobter oo ay Milliteriga dalka Turkiga  lahaayeen ayaa ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Cekmece oo u dhow Degmadda Tatvan ee Gobalka Bitlis ee K/bari ee dalka Turkiga.

Diyaarada burburtay oo nooceedu ahaa The Cougar waxaa la sheegay inay 11 Askari ku geeriyoodeen, halka 2 kalena ku dhaawacmeen, sida lag sheegay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga.

9 ka mid ah Dhibanayaasha waxay ku geeriyoodeen isla goobta ay Diyaaradda ku burburtay, halka ay 2 kalena dhaawacooda ugu geeriyoodeen Isbitaalka.

Saraakiisha ku geeriyootay shilkaasi waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Osman Erbas oo ah Taiye Ciiddan.

Diyaaradda burburtay waxay ku sii jeeday Degmadda Tatvan oo u dhow Gobalka Bingol, markii ay Maamulayaasha waayeen xidhiidhkii ay Diyaaradda la lahaayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker