Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI Oo Loollan Culus Ku Dhex Marayo Gobolka Awdal

Loollanka marba is-muquuninta Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ee Gobolka Awdal, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada Xisbi ee ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cirro oo hadda isaggu isu arka dhankiisa inuu yahay Nin Xaraarta-butaystay oo aan cid kale ku goor-diyeyn Gobolka Awdal oo uu doorashooyinkii ugu dambeeyey Xisbiga uu hoggaamiyaa codadkii ugu badnaa ka helay, waxaanad mooddaa in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey hadda u wareegtay garoomada deegaanada Gobolka Awdal marka laga hadlayo tartanka Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo loollanka ugu adagi ka taagan yahay.

Xisbiga KULMIYE oo isagu ka guuray shaxadii hore ee uu kusoo geli jiray tartan-ka doorashooyinka gaar ahaanna shaxdii gobolka Awdal, kaas oo samaysatay shax cusub oo u gaar ah gobolkaas, qorshahaasi oo uu u arkay inay tahay midda keliye ee uu kaga adkaan karrayo Xisbiga WADDANI ,waxaanu Guddoomiye ku-xigeenka afraad ka dhigay Wasiir Saajin oo ka soo jeeda Beelaha Ballaadhan Awdal ama uu bidayo inay ugu codka baddan-yihiin, waxaana xayndaabka Hoggaanka Xisbiga la dhaafiyey Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo uu KULMIYE

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo godkiisii ay biyo ugu soo galeen,ayaa isna keliya waxa uu muuqdaa mid xooggaynaya shaxdisii hore ee uu ku soo geli jiray tartanka doorashooyinka gaar ahaana gobolka Awdal,kaas oo xubno fir-fircoon safka hore soo dhigay oo ay hoggaaminayaan Musharrax Madaxweyne xigeenka Xisbiga Maxamed Cali Aw Cabdi oo yaqaan siyaasadda guuro bahalaynta iyo faq hoose iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isna ollolaha iyo ficiltanka aan looga dhakow siin-ba

Geesta kale Wasiirka Saajin oo isagu hormood u ah kooxda Xisbiga KULMIYE ee buraashadaha u biyeysatay sidii Xisbigu uu dhigiisa WADDANI ugaga adkaan lahaa doorashooyinka isku sidkana gaar ahaana Gobolka Awdal, ayaa la sheegay in Saylici oo xadhka uu xidho aan la furri jirin in aanay isku san-banaanay Saajin oo aanu ku wehelin hawshaas,waxaanu Saylici u muuqdaa mid ka muuqrtay xafiil tagkaa iyo xaraaradaas,balse Saajin iyo kooxda uu hoggaaminayo ayaa dedaalo wadda ay ku doonnayaan sidii Xisbiga KULMIYE uu ugu ku guulays lahaa doorashooyinka Xildhibaanada ugu baddan ee gobolkaas,waxaana xusid muddan in tallaabooyinka uu qaaday ay noqdeen qaar ay ka qayliyeen labada Xisbi ee UCID,WADDANI oo ay sheegay inuu odayaal ku xidhay Xisbi hebel ayaad cid ka sharrax-deen iyo musharraxiin tagtay labada xisbi mucaarad oo iyana ay sheegaan inuu Boorama ku xidhay qaarna fakadeen,lakiin saajin ayaa u arka rajada keliya ee uu leeyahay ama uu kalsooniday Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka KULMIYE ku kasban karraa inay tahay doorashooyinka isku sidkan oo uu Xisbiga KULMIYE hello codadka ugu baddan gobolka Awdal,waxaanu qaadayaa tallaabo kasta oo uu is leeyahay dan ayaa ugu jirta Xisbiga KULMIYE .

Dhanka kale Musharrax ku xigeenka WADDANI Maxamed Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE iyo siyaasiyiin kale oo fir-fircoon ayaa xisbiga WADDANI Boorama u jooga sidii uu Xisbigu u sii laba jibaari lahaa taageeradda reer Awdal,kuwaas oo uu war-baahinta iyo si hooseba ula dar-daarmay Cirro,sidii uu Xisbiga WADDANI uu codadka ugu baddan uga helli lahaa Gobolkaas markale, isla markaana loogu quus-goyn lahaa KULMIYE, waxaana si weyn uga dhex muuqda Guddoomiye ku xigeenka Golaha wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isagu waysada u biyaystay taa jirin.

Si kastaba ha ahaatee, marka la isku wada geeyo dhaq-dhaqaqyada iska soo horjeeda ee ka socda Awdal ee ay waddaan KULMIYE iyo WADDANI, waxa uu u muuqdaa mid loollanka ugu culusi dhex mari doono Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Iyo wasiir Maxamuud Xasan Sacad Saajin, waxaany xisbi waliba doonayaa in uu qaato Aqlabiyadda xildhibaannada Golaha wakiillada ee Gobolka Awdal, marka la gaadho wakhtiga qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee aakhirka May.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker