Booliiska dalka Myanmar Oo Rasaas Ku Dilay 18 qof Oo Dibadbaxayaal ah

Booliiska dalka Myanmar ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal halkaasi oo ay ugu yaraan 18 qof ku dhinteen, waxaa sidaasi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanhaa ee Qaramada Midoobey.

Xafiska ayaa ku tilmaamay in   ay ahayd maalinkii ugu dhimasada badnaa tan iyo intii ay bilaabmeen dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay.

Waxaa sidoo kale dhimasho laga soo sheegay dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Yangon, Dawei iyo Mandalay, halkaai oo ay booliiska isticmaaleen rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay bilaabay howgal khasaaro geystay ka dib muddo toddobaadyo ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo afgembigii 1 February ay xukunka kula wareegeen militariga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker