Filin Laga Sameeyay Dilkii Jamaal Khaashuqji

Agaasimaha ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee filimada ee baarayay dilka weriyihii u dhashay Sucuudiga Jamaal Kaashuuqji ayaa sheegay in uusan rumeysneyn in Maxamed Bin Salmaan uu wajahi karo xarig kadib warbixinta kasoo baxday sirddoonka Mareykanka ee ah in uu isagu ansixiyay dilka weriyaha.

Filinka Bryan Fogel ee uu ugu magac daray ‘The Dissident’ ‘mucaaradka’ wuxuu ka shakeynayay qaabkii loo dilay Khaashuqji iyo qofka laga yaabo in uu kasoo fulay in la dilo.

Meydka weriyaha ayaanan weli la helin, Maxamed Bin Salmaan wuu beeniyay in uu ku lug lahaa dagaalka.

Bryan Fogel isaga oo adeegsanayo warqado laga helay dowladda Turkiga ayaa muujinayaa in weriyihii dibad joogga ahaa la qabtay isla markaana la jar jaray jirkiisa gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Filinka wuxuu sidoo kale baarayaa in la jabsado teleefoonada iyo xogta dad dhaliilsan siyaasadda Sucuudiga ee dibad joogga ah, waxaana dadkaas kamid ah Cumar Cabdul Casiis oo ah weriye u qaabilsan muuqaallada oo fadhigiisu yahay Canada isla markaana ay saaxibo ahaayeen Khaashuqji.

“Uma maleynayo in dhaxal sugaha Sucuudiga in uu wajahi doono booliska caalamiga ah ee Interpol si ay u xiraan gaar ahaan marka uu ka degayo dalal kale ama in loo gacan gelin doono maxkamadda Hague, Turkiga ama Mareykanka, arrintaasina weligeed ma dhici doonto” ayuu yiri Fogel.

Dowladda Mareykanka ayaa shaley shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas’uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeyso in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji.

Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker