Taliyaha Ciidanka Bileyska Ee Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Hoodo Garays Iyo Hooyaddeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Iyo Saraakiisha sare ee Taliska Ciidanka Booliska JSL’ ayaa maanta Xarunta Taliska Guud ee Booliiska Somaliland kulq Kulmay Suxufiyad Hoodo Garays Iyo Hooyaddeed Suleekha Caaqil Cabdilaahi oo Todobaadkan bilawgiisii Dhaawacyo iyo Tqcadiyo kala duwan ay loogu Gaystay Saldhiga Xaafadda Qudhac Dheer ee Degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa ku yaala.
Kulanka Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Somaliland Saree Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Suxufiyad Hoodo Garays Iyo Hooyaddeed Suleekha Caaqil Cabdilaahi ay yeesheen ayaa maanta Gelinkii dambe abaaro 1:00 duhurnimo ka qabsoomay xarunta guud ee taliska Booliska ka dib markii Odayaal iyo Madax dhaqameedka Hoodo Iyo Hooyadeed Suleekha uu Ergo ugu soo dirtay Taliye Dabagale in la la kulan siiyo labadan muwaadin ee dhibaatooyinka ay ciidanka boolisku u gaysteen ugu dambayna ay maanta Xafiiska Taliyaha lagu kulan siiyey labadan dhibane iyo Hogaanka Taliska Booliska Somaliland.
Sida ay ii xaqiijiyeen Dad Qoyska Suxufiyad Hoodo Garas iyo Hooyaddeed Suleekha oo kulankan labada dhinac dhex maray goob joog ka ahaa’ waxa uu ii xaqiijiyey in uu Si aad u heersaraysa oo Damqasho iyo garqaadasho leh ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Somaliland Generaal Dabagale labada dhibane ee Hoodo Iyo Hooyaddeed isla markaana uu ugu horayn Xaal iyo Raaligelin buuxda ka siiyey wixii dhibaato Askarta Booliiska ka soo gaadhay Hoodo iyo hooyo Suleekha’ waxaana Taliye Dabagale iyo Labadan dhibane kulanka maqnta dhex maray nuxurkiisu yahay 4ta qodob ee hoos ku qoran oo kala ah.
1- Inay ugu horayn si buuxda uga raaligelinayaan dhibaatadii iyo dhibkii Askarta Saldhiga Qudhac dheer ay kula kaceen hoodo iyo hooyadeed.
2- Waxa uu sido kale ku Taliyuhu balanqaaday inay Xidhayaan dhamaan Askartii ka qayb qaadatay Falkaasi dhaawacyada loogu gaystay Hoodo iyo Hooyadeed Suleekha .
3- Waxa kale oo uu balanqaaday Dhaawacyadii iyo waxyeelooyinkii Hoodo iyo Hooyaddeed Suleekha loo gaystay in uu Dusha u ridanaayo Dhakhtar kasta oo ay doonaana ay Shaybaadh iyo Daawo wixii aduun ee ku baxaaya ay Taliska Ciidanku boxin doonaan.
4- Ugu dambayn waxa uu u balanqaaday Taliye Dabagale inay ka xun yihiin mar kale falkaasi sida uu u dhacay isla markaana aanay ka Talis Boolis ahaan halka kaga hadhaynin ee Baadhitaan madax banaan arintaasi lagu samayn doono iyo siday u dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker