Magafihii Ugu Awooda Badnaa Afrika Oo Ka Baxsay Xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Mid ka mid ah magafayaashii ugu awoodda badnaa Afrika ayaa ka baxsay xabsi ku yaalla Addis Ababa.
Kidhaane Sakariyaas oo caan ku ahaa “Habtemaryam” ayaa la sheegay in uu galay musqul u dhow maxkamadda federaalka oo lagu sii waday. “Waxa uu si dhakhso ah u siibay dharka jaallaha ah ee maxaabiista. Inta uu gashaday dhar cusub ayaa uu si dhib yar isaga lugeeyay,” ayaa lagu yidhi warbxin ay daabacday VICE World News.
Habtemaryam waxa uu ka hawlgeli jiray magaalada Bani Waliid ee dalka Liibiya oo Soomaali badan lagu waayay/laayay, Itoobiya waxa ay xaqiijisay in aan weli gacanta lagu hayn ninka baxsaday. Wararku waxa ay sheegayaan in la xidhay booliska ilaalinayay maxbuuska oo lagu eedeeyay in ay laaluush qaateen.
Dawladda Itoobiya ayaa hadda isha ku haysa Tewelde Goitom oo la soo xidhay bishii March ee kal hore, Waa magafe kale oo caan ku ahaa kufsiga dumarka tahriibaya oo qaarkood uu carruur ka dhalay. Waxa intaas u dheerayd in uu muuqaallo ka duubi jiray, Labada nin oo u dhashay Eriteriya waa kuwa loogu raadiska badanaa qaaradda Yurub.
Sawirka hoose waa Saalax Maxamed oo goob  joog u ahaa qaar ka mid ah dhacdooyinka ay raggaasi ka geysteen Liibiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker