Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxa Kooxdii Baadhaysay Xafiisyaddda Wasaaradda Warfaafinta Oo Guclo Orod Ugu Jira Xafiiska Maamulka Iyo Lacagta Iyo Xogaha La Helayo.

Ceebo iyo fadeexado hor leh ayaa ka soo ifbaxay baadhistii hanti dhawrku ku sameeyay Xafiisyadda Lacagta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana la ogaaday shaqsiyaadkii baadhistaasi dabada ka waday iyo danihii gaar ka ahaa ee ay ka lahaayeen.
Waxaa si cad u soo shaac baxay hadda uun, ujeedooyin halis badan oo ceeb iyo fadeexad ku noqonaya qaranimada Somaliland oo bahalnimo ah oo ay wadaan shaqsiyaad sheeganaya Magaca Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo kuwaasi hanaan kooxaysi ah hawlgalo uwada, islamarkaana hagaya Hay’addihii dhamaa ee Qaranka si ay danahooda iyo damacooda Xil-Doonimo ugu fushadaan. Waxay Shaqsiyaadkani bilihii u dambeeyay gaaf wareegayeen Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Kale ee Qaranka, iyagoo raadcayn ugu jira illaha Qoyan ee dhaqaale ee lacagtu taalo si ay u qabsadaan, waxaanay bilaabeen inay marka hore hanti dhawrka iska horaysiiyaan si bahdilaad loogu sameeyo Shaqsiyaadka ama masuuliyiintii ka shaqaynayay Xafiisyadaasi.
Halkee ayay salka ku haysay Baadhistii lagu sameeyay Wasaaradda Warfaafinta S/Land?.

Bal waxaynu ku dul istaagaynaa halka uu salka ku hayay Baadhistii lagu sameeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo bahdilkii loo gaystay masuuliyiintii ka hawlgalayay. Xogo hadda soo shaac baxay ayaa cadeeyay in baadhistii lagu sameeyay Wasaaradda Warfaafinta ay si toos ah dabada uga wadeen oo ay qayb ka ahaayeen nin lagu magacaabo Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed oo ka mid ah Kooxo hayb-maala Madaxweynaha oo magaca Madaxweynaha ku maxaafsada, kaasi oo illaa imika Guclo Orod ugu jira islamarkaana ku dul wareegaya inuu la wareego Xafiiska Maamulka iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ninkan la shaqaynayay oo booskaasi baadi doono ugula jiray Nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Cali Bilyan oo hogaaminayay Kooxdii Hanti dhawrka ahayd ee baadhay Wasaaradda Warfaafinta. Sidoo kale waxa uu adeegsaday ninkani shaqsiyaad galaangal la leh Madaxtooyadda si ay u ceebaayaan Xafiiska Lacagtay Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu hankiisa Hiil ugaga helo Dhinaca Xafiiska Madaxweynaha. Cabdilaahi sidoo kale Waxa uu ka tirsan yahay Shaqaalaha Xarunta Hanti dhawrka, sidoo kale waxa uu qandaraas ku haystaa adeegga sarifka lacagaha Mushaharooyinka iyo lacagaha kale ee Xildhibaanada Golaha Guurtida oo ay walaashii haysato Xafiiska Maamulka iyo lacagta, iyo sidoo kale xafiiska Hanti Dhawrka ee uu shaqaalaha ka yahay, oo uu walaalkii Cali Bilyan u fududeeyay oo uu isna lacagaha u sarifo, qaybta ICT-ga Xafiiskana haysto.
Fiiro Gaar ah:- Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed waxa uu hore weerar ugu qaaday Xafiiska Maamulka iyo lacagta ee Hay’adda Wadooyinka Somaliland badhtimihii Sanadkii hore, Isaga oo wakiishanaya Kooxda dhalinyaradda ah ee Magaca Madaxweynaha ku maxaafsada ee uu ka tirsan yahay, waxaanay Maareeyaha Hay’addaasi ku khasbeen inuu xafiiska Lacagta ka eryo Siciid Jaamac Cali oo kamid ah dhallinyarada mudakarka ah ee 10-kii sanno ee ugu dambeeyay Ka hawlgalaayay hayadaha dawlada iyagoo Maareeyaha ka dhameeyay inuu ku badelo Cabdilaahi Sheekh Maxamed Axmed oo ah ninkan imikana damacu ka hayo Xafiiska Lacagta Wasaaradda Warfaafinta, Iyadoo arintaasi dhalisay buuq iyo qaylo gaadhay illaa Madaxweynaha, balse waxa arintaasi foosha xun ka horyimid oo meeshana ka saaray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Cabdilaahi Abokor, kaasi oo ganafka ku dhuftay magacaabistaasi uu sameeyay Meereeyaha Jidadku, taasi oo ceeb iyo fadeexad ku ahayd hanaanka Dawladnimadda iyo wada noolaanshiyaha Bulshadda. Wararka qaar ayaa sheega in arintaasi xiitaa gaadhay Madaxweyaha islamarkaana uu Madaxweynuhu aad uga cadhooday arintaasi, doorkiisana uu ka qaatay arintaasi sixitaankeeda.
Ugu Dambayn: Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa oo aan kugu dhiirigalinaynaa inaad ka foojignaato inay Kooxi ku maxaafsato magacaaga oo ay masuuliyiinta dawladda ee aad Xilalka adigu u dhiibatay ugu hanjabaan inay shaqada ka eryi doonaan haddii aanay ufududayn damacooda, waxaan marlabaad kaa codsanayaa inaad dib u xasuusato Dardaarankii uu maalintii aad xilka la wareegtay ku siiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, ee uu kaaga digay in Magacaaga qaab qabiil loo isticmaalo oo ay kooxi ama ashkhaas reerkiina kasoo jeedaa ku maxaafasato, taasi oo dhaawici doonta sharaftaada iyo milgaha aad ku dhex leedahay Somaliland. Mudane Madaxweyne, Waxaa ka muuqda baadhistii Hanti dhawrku ku sameeyay Wasaaradda Warfaafinta ujeedooyin badan oo u baahan in si mugleh looga baaraan-dego. Waxaa ku lamaanaa dano shaqsi iyo dano qabiil, waxaana hadda soo shaac baxaya arimo aad u fool xun oo dawladnimadda iyo sumcadda Madaxweynaha dhaawacaya. Waxaa kale oo Ceeb inagu ah in xafiiskii dhamaa ee Hanti dhawrku dano shaqsi ku hawlgalo, iyo in hebel boos loo raadiyo, waa ayaandaro inagu cusub oo dawladnimadeena dhaawacaysa.
Ninkan ku dul gaafwareegaya Xafiiska maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta (Cabdilaahi Sheekh Maxamed), waxa uu sheeganayaa Jufadda hoose ee Madaxweynuhu kasoo jeedo, waxaana uu inta badan lajoogaa oo uu majlis wadaag la yahay qaar ka mid ah Inamadda sharafta badan ee uu Madaweynuhu abtiga u yahay, Iyo Xoghaya Gaar ka ah ee Madaxweynaha oo ah shaqsi Bisil oo aan marnaba damacan ugu hiili Karin, aadna u illaaliya Karaamadda iyo sharafta Shaqadda Qaranka, oo aanay suurtagal ahayn inay wax door ah ku yeeshaan Falkan foosha xun ee ay ninkani iyo walaalkii ka sameeyeen Wasaaradda Warfaafinta, ee ay ku raadcaynayaan inay la wareegaan Xafiiska Lacagta Wasaaradda Warfaafinta kadib markii ay kusoo hungoobeen Hay’adda Jidadka, waxaanan uga digayaa inay wiilashaasi ka fogaadaan ninkan, waayo waxaa la ogaa wixii uu ka sameeyay Xafiiska Lacagta Hay’adda Horumarinta Jidadka, iyo Buuqii ka dhashay, waxaana xigi doona buuq kale oo ka dhasha Wasaaradda Warfaafinta haddii uu sii socdo dhaq dhaqaaqa uu wado Wiilkani, waxaanay si gaar ah foolxumo iyo bahdilaad ugu tahay xafiiska Hanti dhawrka oo hawlgalkii dhamaa ee ay wasaaradda Warfaafinta ku baadheen ka dhigaya mid hal ujeedo oo gaar ah lahaa!!!!.
W/Q: Aqoonyahan Shaaci

aqoonyahanshaafici@gmail.com
……………………………………..

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker