Ciidammo Soomaaliya Katirsan oo Maalintii saddexaad Kusoo Qulqulaya Xeebaha Sanaag

Degaan-xeebaadyada gobolka Sanaag gaar ahaan Waqderiya iyo Geelweyte ayaa waxa gacanta kuhaya ciidammo katirsan maammul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland kuwaasoo adeegsanaya gaadiid tikniko ah, ujeeddadoodana lagu sheegay inay tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen macdan fara badan oo lasheegay inay kuduugan tahay degaanka Waqderiya, macdantaasoo la hadal hayo inay jiraan shirkado heshiisyo Somalia kula gashay.

 

Waxa kaloo wararku intaas kusii darayaan in ciidammadani dagaal kuqaadeen kana bara kiciyeen dadkii degganaa magaalada Waqderiya kana qabsadeen gaadiid iyo qoryo noocoodu yahay AK.47ay haysteen qaar kamid ah bulshadaasi, halka taas beddelkeedana ay isgarabsadeen oo isku dhinac kasoo jeesteen dadka deggan degaanka Geelweyte oo ay hayb wadaag yihiin, haseyeeshee markii hore ujeeddadoodu ahayd si isku mid ah inay labadaas degaanba dadka kunool meesha kasaaraan.

 

Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa manta wax tallaabo ah ka qaadin sidii looga hortegi lahaa ciidammadan millategi ah ee degaankaas duullaanka kuqabsaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker