Mareykanka oo Cuna-qabatayn Ku Soo Rogay Saraakiil Ka Tirsan al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in uu Soomaaliya la garab taagan tahay taageero ballaaran si ay u soo ceshato nabadda ugana adkaato al-Shabaab.

Ku simaha Waliika Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa isagoo ka hadlayay kulankii Golaha Amaanka ee xaaladda Soomaaliya waxa uu sheegay in Washington ay liiska cunaqabateynta ku dartay saddex xubnood oo ka tirsan al-shabaab, kuwaasoo xayiraado si gaar ah loo saarayo.

“Dowladda Mareykanku wali waxay diiradda saareysaa xakameynta awoodda al-Shabaab ay ku fulin karaan weerarrada ka dhanka ah rayidka, waxayna diyaar u tahay in ay wadashaqeyn la sameyso dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo qaraarka cunaqabateynnada Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 751,” ayuu yidhi Mr Mills.

Mills ayaa sheegay in saddex sarkaal oo ka tirsan al-Shabaabka Soomaaliya ay cunaqabatayn ku soo rogtay dowladda Mareykanka.

“Annagoo taas ka duuleyna, waxaan ku faaneynaa in aan maanta caddeyno in aan annaga iyo dowladda Soomaaliya si wadajir ah u magacawno saddex hoggaamiye oo ka tirsan al-Shabaab oo lagu daray liiska cunaqabateynta, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin: Abuukar Cali Aadan, Macallin Ayman iyo Mahad Karate” ayuu yidhi Mills.

“Tallaabadan cunaqabateynta ah waxay ka turjumeysaa in beesha caalamku ay la xisaabtameyso dadka wiiqaya nabadda Soomaaliya, amniga iyo xasiloonida,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya gacan mug leh ka siiya arrimaha soo celinta ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya howlo millatari kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in dalka lagaga saaro kooxda mintidka ah ee al-shabaab.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker