Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Kulan La Yeeshay Wufood 8 Safaaradood Oo Beesha Caalamka Ka Socota

Guddoomiyaha Xisbiga UCID  Eng. Faysal Cali Xuseen iyo Madax kale oo Xisbiga ka tirsan’ayaa maanta Xafiiska xarunta dhexe ee Xisbiga Ucid uu Hargeysa ku leeyahay ku qaabilay isla markaana Shir gaar ah kula qaadanaya Madax ka socota Waddamadda Beesha Caalamka ah gaar ahaan Qunsuliyaddaha 8 Safaaraddood oo Waddamadda reer Galbeedka ee Daneeyayaasha Arimaha Doorashooyinka iyo Dumquraadiyadda Somaliland ka taageera oo Hargeysa u yimid arimaha Diyaar garoowga Doorashooyinka Soo socda inay Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka kala Xaajoodaan in wixii qabyo ah la dhamaystiro gaar ahaan waxa kulankani daaran yahay arimaha Saamiga Doorashooyinka ee Beelaha la Haybsoco iyo Kootadda Haweenka ee Doorashooyinka.
Wufuuddan 8da Safaaraddood ee Waddamadda Beesha Caalamka ee Somaliland Arimaha doorashooyinka Iyo Dumquraadiyadda ka taageera ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu Xafiiskiisa Saaka ku qaabilay kulana shiraayo’ ayaa kala ah’ Safiiradda Waddamo ay ka mid yihiin UK , Germany, Sweden, Denmark, EU, UN, AU.
Waxaana Shirkani Madaxda Beesha Caalamka iyo Hohaamiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay wehwelinayaan Hogaanka sare ee Xisbiga UCID, Qaar ka mid ah musharaxiinta Xisbiga iyo Garabka Haweenka ee Xisbiga Ucid uu ka socda Xarunta dhexe ee UCID Hargeysa ku leeyahay.
May be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of 5 people, people standing and outdoors

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker